Kulan loo qabtay Waalidiinta iyo Dhalinyarada deggan Vuosaari oo ka dhacay  Bariga Helsinki

Kulan loo qabtay Waalidiinta iyo Dhalinyarada deggan Vuosaari oo ka dhacay Bariga Helsinki. Sawirka: Suomen Somali Media

Kulan ay ka soo qeybgaleen waalidiin, dhalinyaro, masuuliyiin kala duwan oo qaarkood ka socday ururka guryaha maalinimadii Talaadada  lagu qabtay xaafadda Vuosaari ee Bariga Helsinki.

Kulanka oo loogu magac daray “Vuosaari waa ina wada deeqdaa annagoo dhan” ayaa ujeedkiisu ahaa sidii dadka xaafadda Vuosaari ee Bariga Helsinki ay ku fahmi lahaayeen, una wada noolaan lahaayeen. Kulanka ayaa waxaa xiriirinayay Maryan Askar, waxaana khubaradii lagu casuumay ka mid ahaa Oussama Yousfi  Diakonissalaitos, Camilla Marucco, Suomen sovittelufoorumi ry, Herkko Korhonen  Asokodit.

Herkko Korhonen Asokodit.oo sharaxaya dhibaatadii dhallinyaradu u geysteen guryaha xiligii Karoonaha iyo xalka sida uu u arkay. Sawirka: Suomen Somali Media

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Dallada dhallinyarada ee hoostagta Jaalliyada Soomaaliyeed ee dalkan Finland, ”Suomen Somalilaisten Liitto”. Fikirka kulanka ayaa ka bilowday, kadib markii garoon lagu cayaaro kubbada cagta dacwad badan ka timid xiligii Karoonaha, iyadoo dhalinyaro fara badan ay isticmaali jireen garoonka xiliyada nasashada taasoo dad deegaanka ah ay dhibsadeen.

Waxyaabaha kulanka aadka looga dooday waxaa ka mid ahaa waxyaabaha dhalinyaradu u baahan tahay, derisyadu sidii ay isu ixtiraami lahaayeen.

”Dadkii Finnish-ka ahaa ee kulanka ka soo qeybgalay waxa ay caddeeyeen in dhallinyarada meesha isugu timid inaysan ahayn hal jinsiyad balse ahaayeen dhalinyaro ka soo kala jeedda qowmiyado kala duwan” Maxamed Axmed Cabdulle, oo ka shaqeeya mashruuca dalladda Dhalinyarada ee Jaaliyadda Soomaalida Finland,  ”Ujeeddada kulanka ayaa ahayd si loo wada noolaado, iyadoo la is wada oggol yahay, wixii dhibaato ah ee yimaadana la wada xallin karo, oo dadku inta isku yimaadaan sidaan oo kale oo wada hadlo haddii dhib dhacana, loo aado ciddii xalka keeni lahayd.

Ka qeybgalayaasha ayaa u mahadceliyay waalidiintii Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay kulanka sida wanaagsan ee ay kulanka afkaartooda ugu muujiyeen iyo xalka sida ay u abbaareen.

Kulanka ayaa waxaa furay, soona xiray Huda iyo Hani oo ah labo dhalinyaro oo reer Vuosaari ah.

Nuxurka Kulanka ka soo baxay Halkan hoose ka daawo