Finland waxaa laga helay maanta 296 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Jimce 01.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 296 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 36 403 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 133 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 78 qof, Vantaa: 21 qof, Espoo: 19 qof, Oulu: 19, Turku: 17 qof, Jyväskylä:15 qof, Lahti: 9 qof, Kitee: 9 qof, Kempele: 9 qof, Tampere: 6 qof, Mustasaari: 6 qof, Vaasa: 5 qof, Kouvola: 4 qof, Hämeenlinna: 4 qof, Joensuu: 4 qof, Salo: 4 qof, Kerava: 4 qof, Lapeenranta: 4 qof, Lohja: 4 qof, Imatra: 4 qof, Kuopio: 4 qof, Tornio, Hamina, Rovaniemi, Raisio oo min 3 qof laga helay. Kotka iyo Muuramme oo min 2 qof laga helay, iyo  magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 199 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 561 qof.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.

Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 26 554 696    83 921 904
        574 110    1  828 063

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 20,4 milyan 228 413   3 438 354 215
2 Hindiya 10,3 milyan    19 046      244 149 018
3 Baraaziil 7,67 milyan    56 003   1 036 194 976
4 Ruushka 3,15 milyan    27 747      593   57 019
5 Faransiiska 2,62 milyan    19 927      251   64 632
6 Ingiriiska 2,48 milyan    55 892      964   73 512
7 Turkiga 2,20 milyan    14 380      239   20 881
8 Talyaaniga 2,10 milyan    23 477      555   74 159
9 Isbeyn 1,93 milyan    15 603      148   50 837
10 Jarmalka 1,74 milyan    25 345      696   34 182
11 Kolombiya 1,64 milyan    16 314      304   43 213
12 Arjantiin 1,62 milyan    11 586        82   43 245
13 Meksiko 1,41 milyan    12 406    1 052  124 897
14 Poland 1,29 milyan    13 285      534    28 556
15 Iiraan 1,23 milyan      6 390      128    55 223
16 K/afrika 1,06 milyan     18 000      436    28 469
17 Ukrine 1,05 milyan       9 699      209    18 533
18 Peru 1,02 milyan       2 5 23        59    37 680

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS