Khabiir Suldaan Said Ahmed oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kala hadlay Xaaladda Laas Caanood, doorashada Somaliland iyo wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Khabiir Suldaan Said Ahmed

Suldaan Said oo ah khabiir ka tirsan xafiiska nabadda iyo dhexdhexaadinta ee wasaaradda Arrimaha dibadda ee Finland, horayna u soo noqday ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta ee Geeska Afrika ayaa ka hadlay kulan mira-dhal ah oo uu la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Mudane Suldaan oo kulanka uu madaxweynaha Somaliland Hargeysa kula yeeshay kaddib bartiisa Twitter:ka soo dhigay qoraal kooban ayaa sheegay, in uu wadaxaajood wanaagsan la qaatay madaxweyne Biixi. Suldaan ayaa dhanka kale sheegay in uu madaxweynaha kala hadlay arrimaha siyaasadda gaar ahaan doorashada Somaliland, xaaladda Laas Caanood iyo wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa ballanqaaday in uu xiisadda Laas Caanood ku wajahayo wadahadal iyo in uu sidoo kale dib u billaabayo wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland oo in muddo ah aan la qaban.

Suldaan ayaa ugu dambeyntii sheegay in uu soo dhoweynayo niyad-samida madaxweyne Biixi iyo in uu rajaynayo fulinta ballanqaadayada kor ku xusan ee uu madaxweynuhu ballanqaaday.

Mudane Suldaan oo in muddo ah ku hawlanaa dhexdhexaadinta iyo miiska wadahadalka isugu-keenidda dhinacyada isku haya Laas Caanood ayaa haatan muujinaya rajo ah in in xaaladda wadahadal lagu dhammeeyo.

Hadalka khabiir Suldaan ayaa imaanaya xilli ay xiisadda dagaal ee muddada ka jirtay Laas Caanood ay weli taagan tahay illaa iyo iminkana aanan wax xal ah laga gaarin colaaddan sababtay dhimasho, barakac baahsan iyo burbur hantiyeed oo laxaad leh.

SSMV