Buuga Gabadhii Barwaaqada ee barbaariso Nimco Nuur oo maanta lagu daahfuray Maktabadda Pasila ee magaalada Helsinki

Buugga Gabadha barwaaqada oo ay Nimco saxiixayso

Madal lagu soo bandhigayay buug ka hadlaya taariikhda Nimco Nuur oo lagu magacaabo Gabadhii Barwaaqada ayaa ka dhacday maanta magaalada Helsinki, gaar ahaan xarunta dhexe ee maktabadda Pasila.

Madashan oo ay ka soo qaybgaleen macallimiin, cilmi-baarayaal, waaliddiin, mutacallimiin, suxufiyiin iyo siyaasiin ayaa looga hadlay marxaladdii uu soo maray dhigaalka buuggan.

Buuggan oo u dhigan hab silsilad ah oo ka billaabanaysa bar-billowgii carruurnimada iyo bari-samaadkii Soomaaliya ee Barbaariso Nimco Nuur, dhallinyaranimadeedi, dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, barakac iyo qaxootinimo iyo ugu dambeyn hooyo kaligeed qurbaha ku barbaarisay carruur, wax ku baratay haatanna macallimad la ixtiraamo ah ka ah.

Dadka madasha ka soo qaybgalay ayaa u badnaa dad ay Nimco wada-shaqeeyaan oo aqoon duruqsan u leh Nimco iyo hawlkarnimadeeda.

Nimco waxay horay u qortay dhowr buug, kuwaas oo uu ugu caansanyahay buugga duur-xulka iyo garnaqsiga koobay ee lagu magacaabo Garoob iyo Godob rageed.

Barbaariso Nimco Nuur waa tusaalaha nool ee laga dheehdo awoodda aan la loodin karin ee Haweenka Soomaaliyeed. Waa hooyo, macallimad, barbaariso, u doodda xuquuqda dumarka una dhaqdhaqaaqda guud ahaan arrimaha bulshada.

Buuggan Gabadhii barwaaqada ayaa ku qoran afka Finnishka waxaana laga heli karaa dukaamada lagu iibiyo buugaagta ee dalkan Finland. Wixii faahfaahin ah oo ku saabsan buuggan fadlan kala xiriir Nimco Nuur

SSMV- xuquuqda sawirada-SSMV