Khabiir caafimad oo sheegay in Mowjadda Korona aysan Finland ku soo rogmanayn

Khabiir ku takhasusay cilmiga adkaysiga iyo difaaca jirka ayaa sheegay in feejignaanta ay Finland ka feejigantahay fayruska Korona ay ka hortagayso in uu fayrusku markale dib uga dillaaco.

Prof. Seppo Meri oo ah khabiirka ka tirsan Jaamacadda Helsinki kuna takhasusay cilmiga difaaca iyo adkaysiga jirka ayaa sheegay in Finland ka badbaadayso mowjad kale oo fayruska Korona ah oo ku soo rogmata.

Sida uu khabiirkan sheegayo, suurragal ma ahan in hubanti loo yiraahdo cudurku waa naga baxay oo naguma soo laabanayo, laakiin wuxuu saadaashiisa ku saleeyay in Finland ay baratay sida loo xakameeyo fiditaanka cudurkan.

Seppo wuxuu dadka Finnishka ah uga mahadceliyay sida wanaagsan oo ay u raacaan tilmaamaha ammaanka ee ay siiyaan hawlwadeennada caafimaadku.

Hadalka khabiirkan ayaa ku soo aadaya xilli xaaladda Korona ee Finland ay soo wanaagsanaanayso marka la barbardhigo dalalka kale ee dhaca Waqooyiga Yurub iyo dunida inteeda kalaba.

Sawirka: Lääkärilehti