Ka faa’iidayso waqtigaaga inta aad nooshahay

Maalmo ajar badan in la soomo/ xuquuqda sawirka SSM

Waxaan akhyaarta sharafta leh xusuusinaynaa in laga faa’iidaysto waqtiga inta la nool yahay, oo qofku uu ajar iyo xasanaad shaqaysto.

Waxyaabaha sunnada ah ee ajarka leh waxaa ka mid ah soonka maalmaha isniinta iyo khamiista iyo kan maamalaha caddada ama ayaamul biidka loo yaqaan ee 13-aadka, 14-aadka iyo 15-aadka bisha muslimka. Waa  sunnadii uu Nabigeena Muxamed NNKH nooga tagay, waa arrin caafimaad u leh jirkaaga ajarna aad ku kasbanayso. Haddaba kheyrkaas waxaa uu ka bilaabanayaa Khamiista 25.3.2021, hoos ayay ku caddahay sida uu jadwalku yahay, waa shan maalmood oo isku xigta. Waana hawl tababar kuugu noqonaysa bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo soo dhow, Waxaan Allaah weydiisanaynaa in uu nabad nagu gaarsiiyo, kheyrka iyo cibaadadana na waafajiyo.

Khamiis 25.3.2021 / 12.8.1442 oo ah maalin sunno wanaagsan ah in la soomo

Maalmaha ayaamul-biidka

Jimce 26.3.2021 / 13.8.1442
Sabti 27.3.2021 / 14.8.1442
Axad 28.3.2021 / 15.8.1442

Isniin 29.3.2021 oo ah maalin suuno wanaagsan ah in la soomo