Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland oo xarunta KANAVA kulan ballaarran oo soo dhoweyn ah kula yeelatay xildhibaan Hon. Mohamed Ibrahim Moalimuu

Photo Group/SSMV

Helsinki, Xarunta Ururka Kanava:- Munaasabad soodhoweyn, xogwareysi iyo aragti is-dhaafsho isugu jirto oo loo qabtay xildhibaan Moalimuu oo booqasho rasmi ah ku jooga Finland ayaa ka dhacday xarunta Ururka Faca weyn ee dhallinyarada ee KANAVA .

Waxaa ugu horreeyn madasha ka soo jeediyay hadal soo dhoweyn ah Agaasimaha ururka Kanava Mudane Cabdulqadir Hadaafow, kaas oo warbixin kooban ka bixiyay xarunta Kanava iyo waxqabadkeeda iyo guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed Mudane Ahmed Hassan (Towxiid) oo ku hadlayay magaca jaaliyadda ayaa ka hadlay waxqabadka jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida iyo siyaasadda dalkan Finland oo ay ku dhaqan yihiin tiro kor u dhaafaysa 23000 oo qofood oo Soomaali ah.

Madashan ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada sida siyaasiyiinta, aqoonyahannada, ganacsatada, culimada iyo dhallinyarada safka hore uga jirta bulshada Soomaaliyeed ee Finland.

Xildhibaan Moalimuu oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka hadlidda xaaladda guud ee dalka gaar ahaan siyaasadda Soomaaliya, ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ay dowladda Soomaaliya ka waddo dalka.

Moalimuu ayaa dhanka kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ay ka qaybqaadato horumarinta dalka iyo dib u yagleelidda kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Ka soo qaybgalayaasha madasha ayaa su’aalo iyo fikrado wax ku ool ah u jeediyay xildhibaan Moalimuu oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya kuwooda ugu saamaynta badan.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ee maanta munaasabadda ka soo qaybgashay ayaa Ururka Kanava uga mahadcelisay qabanqaabinta munaasabaddan iyo munaasabadaha kale ee ay bulshadu Soomaaliyeed ku kala warqaadaan madaxdoodana ay kula kulmaan.

SSMV