Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland oo kulan soo dhoweyn, xogwareysi iyo casho-sharaf ah la yeelatay Wefdi ka socday XFS oo uu hoggaaminayay agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Mudane Caydaruus Macallin Xassan Cabdulle

Xarunta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ayaa waxaa ka dhacay kulan ay horseedka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ka soo qaybgaleen Jaaliyadduna soo qabanqaabisan oo lala yeeshay Wefdi ka socday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha maamul-goboleedyada dalka, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ee XFS, wasaaradaha arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada, xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, madaxtooyada Soomaaliya, Gobolka Banaadir iyo wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland mudane Axmed Xasan Towxiid oo wefdiga ku soo dhoweeyay xarunta Jaaliyadda ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee Soomaalida Finland iyo in Jaaliyaddu ay tahay buundada isku-xirta Finland iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Jaaliyadda ayaa sidoo kale sheegay, in xarunta jaaliyaddu ay u dhiganto maamul iyo mansab ahaan safaarad Soomaaliyeed, maadaama aanay Soomaaliya safaarad ku lahayn Finland.

Ka sokow adeegyada ay jaaliyaddu u qabato Soomaalida Finland, waxay Jaaliyaddu qayb ka tahay dadaallada dib u dhiska dalka Soomaaliya, gaar ahaan maalgashiga lagu kordhinayo dhaqaalaha dalka.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Jaaliyadda Soomaaliyeed mudane Maxamed A. Alifley oo ku hadlayay magaca golaha dhexe ee Jaaliyadda Soomaaliyeed oo madasha soo dhoweynta iyo kulanka ah ka hadlay ayaa warbixin ka bixiyay qaab-dhismeedka Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo qaab-nololeedka Soomaalida Finland ku dhaqan.

Socdaalka wefdiga ayaa qayb ka ah taageerada ay dowladda Finland siiso dowladda Soomaaliya ee la xiriirta horumarinta maamul-wanaagga, nabadda iyo horumarinta adeegyada bulshada ee Soomaaliya.

Wefdigan oo uu hoggaaminayay mudane Caydaruus Macallin Xassan Cabdulle, agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha XFS ayaa waxay safar shaqo u yimaadeen dalka Finland. Wefdiga ayaa la kulmay qaar ka tirsan madaxda xukuumadda Finland, baarlamaanka Finland, jaamacadaha iyo ururada nabadda ka shaqeeya ee Finland ka dhisan.

Ugu dambeynii wefdiga ayaa ka mahadceliyay sida diirran ee loogu soo dhoweeyay guud ahaan Finland gaar ahaan xarunta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland.

SSMV