Hay’adda THL oo soo saartay nidaam kaartada Yurub oo lagu kala saaraayo xaaladda feyruska korona ee waddamada yurub.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee dalkan Finland THL ayaa soo saartay nidaamka samaafaraha ama nalalka gaadiidka haga oo kale ah, kaasoo lagu muujinaayo xaaladda feyruska korona ee dalalka yurub iyo khatarta u safridda waddamada qaarkood.

Sida uu dhigaayo dastuurka dalkan Finland, qof kasta oo haysta dhalashada dalkaan wuxuu xaq u leeyahay in uu ku soo laabto dalkaan Finland,  si taas la mid ahna, haddii uu doonayo in uu ka baxo dalkaan Finland, haddii aan xuquuqdaas si sharciga waafaqsan loo xadidin, oo aanay dawladdu xukun degdeg ah soo saarin.  Sidaas awgeed nidaamkaam samaafaraha ama nalalka gaadiidka kala haga ee THL ay soo saartay waa talo soojeedin oo kaliya.

Qaybta cagaarka ah waxaa loola jeeda in khatarta faafitaanka cudurku ay tahay mid aan ka badnayn tan xaalaadda dalkaan Finland. Midabka Oranji-ga ama cassaan-hurdiga ah waxaa loola jeedaa in khatarta faafista cudurku ay ka sarreyso tan Finland, qaybta cassaanka ama guduudkana waxaa loola jeedaa in khatarta faafista cudurku ay aad uga badan tahay tan Finland, ama haddii si kale loo dhigo in ay dalalalkaas ka jirto khatar aad u sarreysa oo si lagu kalsoon yahay aan loo qiimeyn karin.

Waddamada cagaarka ah:

Latvia, Finland, Istooniya, Vatikaanka iyo Hungary.

Waddamada Oranjiga ama Cassaan-huridga:

Ingiriiska (marka laga reebo Jasiiradaha Isle of Man (Maansaari), Channel Islands (kanaalisaari) oo iyagu cagaar ah iyo Gibraltaria oo cassaan ah.

Bulgaariya, Talyaaniga, Qubrus, Norwey, Lithuweeniya, Jarmalka, Islovaakiya, Isloveeniya iyo Turkiga.

Waddamada cassaanka ah:

 Albaaniya, Andorra. Azerbajaan, Biljam, Boosniya iyo Hersegovina, Bulgaariya, Isbeyn, Holland, Ireland, Iceland, Austariya, Kosovo, Giriigga, Korowaatiya, Liechtenstein, Luxemburg, Malta, Moldova, Monaco, Montenegro, Poland, Waqooyiga Makedooniya, Boortaqiiska, Faransiiska, Roomaaniya, Isweden, San Marino, Serbiya, Denmark, Check, Yukreyn, iyo Belarus.

Isha Warka: Yle

W/D: Abdirisak Sugulle