Finland waxaa laga helay maanta 770 xaaladood oo feyruska korona ah

Jimco 19.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 770 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 70 267 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 363 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 427 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 115 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 54 qof, iyo Kanta-Häme oo laga helay 30 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 252 Porvoo 11
Espoo 74 Hyvinkää 10
Vantaa 67 Kerava 8
Turku 70 Järvenpää 6
Tampere 40 Nurmijärvi 5
Hämeenlinna 16 Lohja 5
Lappeenranta 18 Karkkila 5
Kaarina 12 Uusikaupunki 7
Ylöjärvi 8 Oulu 6
Vaasa 6 Lahti 5
Forssa 9 Kuopio 8
Kouvola 8 Kotka 6

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 271 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  55 qof, waxaana tiradii shalay ku soo korortay 5 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 805 qof, kaddib markii THL ay sheegtay shalay in hal qof oo hor leh uu u dhintay  xanuunka feyruska korona awgiis. Maanta hay’adda THL ma aanay sheegin wax dhimasho cusub ah.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 963 qof, kuwaasoo 1 823 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 139-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 701 203 oo qof (19.03)

 Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       40 698 572     122 481 607
             910 950          2 705 298

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 30,358,880    62 629    1 705  552 470
2 Baraaziil 11,787,600    87 169    2 659  287 795
3 Hindiya 11, 513,945    39 643       155  159 045
4 Ruushka   4,428,239      9 830       460    93 824
5 Ingiriiska   4,280,882      6 303         94  125 925
6 Faransiiska   4,181,607     34 998       268    91 679
7 Talyaaniga   3,306,683     24 907       423  103 855
8 Isbeyn   3,212,332      6 216       117    72 910
9 Turkey   2,950,603    20 049         81    29 777
10 Jarmalka   2,628,629    17 860       201    74 878
11 Kolombiya   2,319,293      5 139       138    61 636
12 Arjantiin   2,226,753      8 328        155    54 386
13 Meksiko   2,175,462      6 455        789  195 908
14 Poland   1,984,246    27 276        356    48 388
15 Iiraan   1,778,645      7 530          89    61 581
16 Konfur-Afrika   1,533,961      1 464          90    51 724
17 Ukraine   1,504,076    15 053        267    29 253
18 Indonesia   1,443,853      6 570        227    39 142
19 Peru   1,443,521      7 923         183    49 706
20 Czechia   1,439,120    12 003         175    24 230
21 Netherlands   1,179,612      6 125           33    16 198

Xigasho: YLE;HS;WORLDOMETERS