Finland waxaa laga helay maanta 444 xaaladood oo feyruska korona iyo hal xaalad oo dhimasho cusub ah

Jimce 19.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 444 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 52 653 qof. Waxaa toddobo maalmood gudahood ku darsantay 3 081 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 241 qof, waxaa ku xiga gobolka Satakunta oo laga helay 63 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 57 qof laga helay iyo gobolka Etelä-Savo oo laga helay 22 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 112 Huittinen 3
Vantaa 51 Mikkeli 21
Espoo 33 Pieksämäki 1
Turku 36 Seinäjoki 2
Kerava 10 Kurikka 3
Järvenpää 7 Joensuu 5
Nurmijärvi 3 Kemi 2
Tuusula 5 Kolari 4
Lohja 3 Pello 2
Vihti 6 Lappeenranta 8
Mäntsälä 4 Imatra 1
Loviisa 2 Suomussalmi 1
Salo 4 Rantasalmi 1
Kaarina 2 Maarianhamina 4
Naantali 2 Hammarland 1
Tampere 5 Keski-Suomi 2
Oulu 7 Laukaa 1
Raahe 3 Keuruu 1
Vaasa 1 Lahti 3
Laiha 1 Kanta-Häme 1
Pori 49 Kymenlaakso 1
Rauma 11 Kuopio 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL,  kuwaasoo 24 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah, taasoo macnaheedu yahay in toddobo maalmood gudahood ay ku darsantay 6 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 726 qof, kaddib dhimashada hal qof oo cusub oo ay sheegtay manta hay’adda THL, waxaana toddobo maalmood gudahood ku darsantay tirada dhimashada 16 qof.

 

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 524 qof, kuwaasoo 501 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 22-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 ah nooca cusub ee Baraaziil.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 262 145 qof (19.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       36 126 121     110 929 475
              821 097           2 454,516

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,523,524    68 924    2 761  505 309
2 Hindiya 10,926,189    12 643         85  156 123
3 Baraaziil 10,030,626    51 350    1 432  243 610
4 Ruushka   4,125,598    13 447       480    81 926
5 Ingiriiska   4,083,242    12 057       454  119,387
6 Faransiiska   3,536,648    22 501       271    83 393
7 Isbeyn   3,121,687    14 515       388    66 704
8 Talyaaniga   2,765,412    13 762       347    94 887
9 Turkey   2,616,600      7 241         83    27 821
10 Jarmalka   2,372,209      9 825        473    67 574
11 Kolombiya   2,212,525      4 824        200    58 334
12 Arjantiin   2,046,795      7 671        241    50 857
13 Meksiko   2, 013,563      8 988     1 075  177 061
114 Poland   1,614,441      9 068        273    41 582
15 Iiraan   1,550,142      8 066          80    59 264
16 Konfur-Afrika   1,498,766      2 327        230    48 708
17 Ukriane   1,287,141      6 237        163    24 852
18 Peru   1,261,804      9 667        181    44 489
19 Indonesia   1,252,685      9 039        181    33 969
20 Czechia   1,123,404    10 921        119    18 823
21 Netherlands   1,042,674      4 518          72    15 089

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS