Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa go’aan ku gaartay in tallaalka Astra Zeneca muddo hal toddobaad ah laga joojiyo dalkaan Finland.

Sida ay sheegtay Xarunta horumarinta iyo ammaanka daawooyinka ee Fimea, waxaa dalkaan Finland laga helay laba qof oo xididka arooraha ah ee dhiigga ku shuba wadnaha lagu arkay xinjiroow 4-10 maalmood kaddib markii ay tallaalka qaateen. Labadaas qofba waxaa ay hore u qabeen xanuunno la xiriira xinjirowga halbowlaha dhiigga qaada, baaritaanka arrinkooduna wali dhex ayuu marayaa.

Hawlwadeennada arrimaha caafimaadka ayaa xaaladdaas qiimayn ku samayn doona illaa iyo toddobaadka soo socda, waxaana tallaalka Asra Zeneca dib loo bilaabi doonaa ugu horrayn 29.3. Hay’adda THL waxaa ay ballan qaaday in marka la helo natiijada baaritaanka socda ay u soo gudbin doonto sida ugu dhakhsaha badan.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen wakiillo kala socday THL, Wasaaradda Caafimaadka iyo Arrimaha bulshada iyo Xarunta Fimea, ayaa dhakhtarka sare ee ka tirsan THL Taneli Puumalainen wuxuu sheegay, in tallaalka iyo dhibaatooyinka soo baxay ay yihiin kuwo waqtigu uun uu kulmiyay, sababtana la caddayn doono. Waxaana uu sheegay in go’aankaan halka toddobaad ah ay u qaateen taxaddar ahaan dhanka ammaanka ah, iyadoo ay muhiim tahay buu yiri, in welwelka jira la qiimeeyo.

Pasi Pohjola oo ka socday wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ayaa isaguna sheegay, in Finland ay laga isticmaalo laba nooc oo kale oo tallaalka feyruska korona ah, kuwaasoo sidii caadiga u sii socon doona.

Muranka ka taagan tallaalka Astra Zeneca ayaa toodobaadkii hore bilowday, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya, in tallaalku uu keenaayo xinjirowga dhiigga inkastoo aan illaa iyo imminka la haynin wax cad oo qeexaya xiriirka ka dhexeeya xinjirowga dhiiga iyo tallaalka. Waxaana jira dalal dhowr ah oo ka tirsan qaaradda Yurub oo iyagu hore u joojiyay tallaalka.

Wargeyska The New York Times ayaa maqaal dheer oo uu arrinkaan ka qoray waxaa uu ku falanqeynayaa in arrinka tallaalka Astra Zeneca uusan ahayn mid ciimiga saynis ahaanta ku salaysan, ee waxa taagan ay yihiin arrimo siyaasadeed oo u dhexeeya dalalka Yurub qaarkood oo uu Jarmalku hogaanka u hayo iyo dalka Ingiriiska. Sidoo kale maqaal midkaas la mid ah waxaa arrikan ka qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxyaabaha loo cuskanaayo in arrinku uu yahay mid siyaasadeed waxaa ka mid ah in dalka Ingiriiska oo tallaalka qaybtiisa koowaad ay qaateen dad tiradoodu gaarayso 26 263 732, iyadoo  qaybta labaadna loo dhammaystiray 2 011 070 qof, mana jirto wax dhibaato ah oo ay dhakhaatiirta dalkaas soo gudbiyeen ama soo gaartay.  Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Jonhson ayaa isaguna sheegay in uu tallaalka Astra Zeneca qaadan doono toddobaadka soo socda.

Hay’ada arrimaha daawada u qaabilan Yurub EMA iyo hay’adda caafimaadka addunka WHO ayaa labduba sheegay shalay in aanu jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya talaalka Astra Zeneca iyo xinjirowga dhiigga, iyagoo ugu baaqay dalalkii joojiyay tallaalka in ay halkaaisii ka sii wadaan.

Warar maanta soo baxay ayaa sheegaya in dalalka Jarmalka, Faransiiska, Spain, Bulgaria, Qubrus, Indonesia, Ireland, Talyaaniga, Latvia, Lithueniya, Holland iyo Thailand ay talllaalka Astra Zeneca dib u bilaabi doonaan.

Waxaa wali tallaalka isticmaalkisa hakad galiyay dalalka kala ah:Austraiya, Denmark, Finland, Georgia, Romaniya, Iceland, Norwey iyo Sweden.

Xigasho:YLE, HS, The New York Times, Reuters