Haweeneydii ugu horreysay adduunka ee ilmaggaleen lagu talaalay oo cunug dhashay

Helsinki 27.6.2020- Haweeney 23 sano jir ah oo lagu magacaabo Sert una dhalatay dalka Turkiga ayaa wiil caafimaad qaba ku dhashay dalkaas kaddib markii isla dalka Turkiga haweeneydan loogu geliyay min ama ilmaggaleen.

Dhakhar Özkan oo ku takhasusay qalliinka dib-u-habaynta kana tirsan Jaamacadda Akdeniz ayaa warkan ugubka ah u xaqiijiyay Wakaaladda Wararka Anadolu.

Haweeyneydan ayaa la sheegay in aanay laheyn wax ilmaggaleen ah markii ay dhalanaysay, laakiin qalliinka lagu sameeyay ee loogu geliyay minka ayaa wuxuu u saamaxay in ay uur qaaddo cunug kaddib dhasho cunug caafimaad qaba. Qalliinka minka loogu geliyay ayaa Sert lagu sameeyay bishii Agoosto ee sannadkii 2011.

Dakhtar Özkan ayaa sidoo kale sheegay in ay hadda jirto rajo ah in ay sameeyaan qalliinno badan oo dumarka aan ilma qaadi karin loogu gelinayo ilmaggaleen, maadaama kan Sert lagu sameeyay si weyn loogu guulaystay.

Wiilka ay Sert dhashay ayaa mahadnaq ahaan loogu magac-daray dhakhtarkii hawshan ka caawiyay oo lagu magacaabo Özkan.

Xigasho: Anadolu

Sawirka: Anadolu