Haweeneyda Ra’iisal wasaaraha ka ah Finland oo maanta guursatay

Helsinki 2.8.2020- Sanna Marin, ra’iisal wasaaraha Finland ayaa maanta la aqalgashay Markus Räikkönen oo ay muddo 16 sano ah wadajireen. Hambalyada aqalgalka lamaanahan oo la soo dhigay barta Twitterka ee Xisbiga Sooshalka dimuqraadiga ah ayaa lagu yiri ”Waxaan lamaanaha cusub ee is-guusraday, Sanna iyo Markus u diraynaa hambalyo qalbiga ka soo go’day!”.

Ra’iisal wasaare Sanna Marin oo dareenkeeda cabbiraysa ayaa uyaduna barteeda Instagramka soo dhigtay hadalkan ”Waxaa nasiib iyo farxad ii ah in aan noloshayda la wadaago qofka aan jeclahay”.

Lamaanahan oo maanta si rasmi ah u aqalgalay ayaa waxay leeyihiin gabar 2,5 sano jir ah.

War ka soo baxay dowladda maanta oo Axad ah ayaa lagu sheegay in Xafladda aroosku ay ka dhacday Sabtidii shalay ahayd Kesäranta (Guriga dowladda ee Ra’iisal wasaaraha Finland). Xafladda arooska ayaa waxaa ka soo qaybgalay qoysaska, qaraabada iyo asxaabta lamaanahan arooska ah.

Xuquuqda sawirka: Sosialidemokraatit