Haddii aad tagtay Linnanmäki toddobaadkii hore, akhri warkaan- waxaa jira khatar ah in feyruska Korona aad u dayacan tahay qaadistiisa!

Magaalada Helsinki ayaa sheegaysaa in qaar ka mid dad koox ah oo wada socday oo tegay 11.8.2020 Linnanmäki laga helay cudurka fayruska Korona.

Dadkani cudurka kama qaadin Linnanmäki. Si kastaba ha ahaatee waxaa suurragal ah in dadka cudurka laga hely ay dadkii kale ee Linnanmäki joogay isla maalintaas geliyeen halis ay cudurkan ku qaadi karaan.

Magaaladu waxay dadkii maalintan kor lagu sheegay tegay Linnanmäki ku boorinaysaa in ay xaaladdooda caafimaad isha ku hayaan.

Kooxdan laga hadlayo ee qaar ka tirsan laga helay Koronaha ayaa waxay Talaadii hore joogeen Linnanmäki muddo gaaraysa shan saacadood (13.00–18.00).

Warkan magaalada ka soo baxay ayaa waxaa sidii kale lagu sheegay in dadka la ogyahay ee u dayacmay qaadista cudurkan lala xiriiray karaantiilna la geliyay.

Dhacdadan ayaa ah tii labaad ee muddo kooban gudaheed ka dhacda Linnanmäki.

Dhammaadkii bishii Luulyo ee la soo dhaafay ayeey koox dad ah oo wada socotay Linnanmäki halis ku geliyeen dad badan oo meesha joogay, maadaama kooxdan qaar kamid ah ay qabeen sida la xaqiijiyay xanuunka Korona.

Xuquuqda sawirka: Iltalehti