Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Ruushka (Duuma) Vjatsheslav Volodin  oo sheegay, in masiibo caalami ah ay ka dhalan doonto hubka ay Mareykanka iyo Nato siinayaan Yukreyn

Calamada Mareykanka iyo Ruushka oo la isku dhejiyay.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay, in Vjatsheslav Volodin , oo ka mid ah dadka aadka ugu dhow islamarkaasna xulufada la ah Madaxweynaha Ruushka, Putin uu sheegay in hubka ay Mareykanka iyo dalalka Nato siinayaan Yukreyn uu sababayo dagaal aad looga argagaxo.

Vjatsheslav Volodin  ayaa barta uu ku leeyahay ablikeeshinka Telegram farriin uu soo dhigay ku sheegay, in  haddii Mareykanka iyo dalalka Nato ka tirsan ay Yukreyn siiyaan hub lagu waararayo magaalooyin shacabka islaamrkaasna lagu doonayo in lagu qabsado deegaannadooda ay taasi keeni doonto in uu Ruushku qaado tallaabooyin ay ficilladaas uga jawaabayaan. Falcelinta ay samaynayaan ayuu Volodin ku sheegay in ay tahay mid ay u isticmaalayaan hub aad u xoog badan.

Farriinta Vjatsheslav Volodin ayaa laga  garan karaa, in ay Ruushka ka suuraggasho isticmaalka hubka sida ba’an wax u burburiya ee nukliyeerka.

Hadalka Vjatsheslav Volodin ayaa imaanaya xilli ay Mareykanka iyo Jarmalku ku dhawaaqeen, in hub iyo saanad ciidan oo ballaaran ay siinayaan Yukreyn, si ay Yukreyn isaga caabiso weerarka uu Ruushku ku soo qaaday welina ku hayo dalkeeda.

Isha warka: Warbaahinta Caalamka