Guddoomiya Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xassan Cismaan Gacal iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Guuleed Abdijaliil iyo wefdi la socda oo hawlo shaqo u yimid Finland – Jaaliyadda Soomaalida Finland oo kulan soo dhoweyn ah u samaysay

Prof. Gacal, Dr. Guuleed, Dr, Dhicisow iyo Mudane Ahmed Towhiid- sawirka. SSMV- Mohamed Ibrahim

Waxaa maalmahan booqasho shaqo oo rasmi ah dalka Finland ku joogay Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Mudane prof. Xasan Cismaan Gacal iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Dr Guuleed Cabdijaliil Sheekh Cali iyo wefdi la socda oo ka koobnaa mas’uuliyiinta sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo weliba hawlwadeennada caafimaadka iyo adeegga bulshada ee Soomaaliya..

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Finland mudane Ahmed Hassan Towhiid oo ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka xarunta jaaliyadda ayaa warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Soomaalida Finland, sida ay dalka ula qabsadeen iyo horumarka ay ka sameeyeen dalka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Mudane Xassan Cismaan Gacal oo Jaaliyadda Soomaalida Finland uga warbixinayay safarkiisa shaqo ee uu Finland ku yimid ahaa sheegay in safarkoodu uu daarnaa abuurista jawo wadashaqeyn oo ay yeeshaan maamullada tacliinta sare ee Soomaaliya iyo Finland.

Prof. Xassan Cismaan Gacal ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in kulamadii qorshaysnaa ee ay la qaateen Guddoonnada tacliinta sare iyo ee Finland ay ka soo baxeen natiijooyin wax ku ool ah oo ay ka faa’iidaysan doonto Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed aqoon iyo maamul ahaanba.

Dhanka kale, Guddoomiye Xassan Cismaan Gacal ayaa aad u ammaanay sida ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland uga dhex-muuqdaan hay’adaha kala duwan ee dalka Finland iyo sida ku-dayashada mudan ee ay qaybta uga yihiin horumarinta Laamaha waxbarashada gaar ahaan tacliinta sare ee Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr Guuleed Cabdijaliil Sheekh Cali oo kulanka ka soo jeediyay warbixin ku saabsan xaaladda adeegga caafimaadka ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in hadda ay billaabeen adeegga caafimaadka qaran ee aasaasiga ah, inkastoo aanu adeeggu weli ahayn mid si buuxda looga heli karo dalka oo dhan.

Kuva- SSMV- Mohamed Ibrahim

Dr. Guuleed, Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo dhanka kale ka hadlayay taageerada dhinacyada badan ee ay dowladda Finland Soomaaliya siiso ayaa ka mahadceliyay garab-istaagga ay dowladda Finland la garab-istaagtay dalka Soomaaliya marka laga hadlayo dhinaca tayaynta xirfadda caafimaadka.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay Prof. Mulki Cilmi iyo Prof. Dhicisow oo ay dowladda Finland gacan ku siisay in ay Soomaaliya ku laabtaan kaddibna ay tayeeyaan manaahijta waxbarashada ee dhinaca caafimaadka iyo maamulka saxaafadda iyo cilmiga bulshada. Waxaa kale oo uu agaasimuhu sheegay, sida uu Dr. Ahmed Mohamed Abukar ku takhasasusay suuxinta bukaanka wax uga beddelay habraaca suuxinta ee qaybo badan oo kamid ah isbitaallada Soomaaliya.

Hormuudka kuliyadda cilmiga bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Wasiir hore, mudane Abdulkadir Dhicisow oo sidoo kale ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay leedahay sare u qaadista tacliinta sare ee Soomaaliya iyo in habraaca waxbarashada Finland oo dunida safka hore uga jirta loo waarido Soomaaliya iyadoo la waafajinayo manjahbka ama qorshaha waxbarashada Soomaalida ee ka jawaabaya baahida waxbarasho ee dalka.

Drs. Mulki Cilmi oo ka tirsanayd wefdiga Soomaaliya ka yimid sidoo kalana ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ayaa sheegtay in ay ka mahadcelinayso sida wacan ee loogu soo dhoweeyay xarunta jaaliyadda.

Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee Finland oo ay xubno ka yihiin in ka badan 200 oo dhakhaatiir ah oo ka hawlgala goobaha caafimaadka ee kala duean ee dalka Finland ayaa wakiil ka socday oo lagu magcaabo Dr Khaliif wuxuu kulanka ka sheegay in ay xiisaynaynaa ka qaybqaadashada horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen qaar ka tirsan qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaalida Finland ayaa ku soo dhammaaday su’aalo ay xubnaha jaaliyaddu Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ka weydiinayeen tacliinta sare ee Soomaaliya iyo daryeelka caafimaadka Soomaaliya oo wax laga weydiinayay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaliya.

Booqashada wefdigan waxaa taabbagelisay Hay’adda IOM Laanta Finland.

Waxaa ugu dambeyntii madasha soodhweynta ah lagu soo xiray casho sharaf ay Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland u sameeyeen Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo wefdigooda iyo marti-sharaftii kale ee kulanka ka soo qaybgashay.

SSMV