Golaha dowladda Finland oo uu maanta u bilowday shir ay kaga arrinsanayaan xaaladaha cusub ee feyruska korona

Espoo 12.8.2020- Golaha dowladda ayaa maanta 4ta galabnimo waxaa shir uga billowday aqalka shiraraka ee Säätytalo, waana shirkii ugu horreeyay ee ay golaha dowladdu isugu yimaadaan fasaxii xagaaga kaddib.

Shirkan ayeey golaha dowladdu ku falanqeynayaan arrimo khuseeya sinnaanta iyo caddaaladda iyo dib u eegis lagu sameynaayo xaaladdaha soo cusboonaaday ee feyruska korona. Waxaa sidoo kale golaha dowladda laga sugayaa in illaa iyo Khamiista nagu soo aadan ay go’aan ama talosoojeedin ka soo saaran arrinka ku saabsan isticmaalista af-shareerka (maski).

Ra’iisul wasaaraha dalkan Finland Sanna Marin waxaa ay sheegtay in dowladdu ay ka baaqsan doonto xaaladda ah soo rogitaanka xayiraad saameyn ku yeelata dhaqaalaha sidii dhcaday gu’gii la soo dhaafay oo kale. Laakiin waxaa ay sheegtay in ay khasab noqon doonto in mar labaad dib loo isticmali doono qaar ka mid ah tallaabooyinka xadeynta.

Ra’iisulwasaaruhu waxaa ay sido kale soo hadal qaaday, talsosoojeedinta ku saabsan karantiilka khasabka ah iyo baaritaanka lagau sameyn doono dadka ka yimaada dalalka xaaladodu ay khatarta tahay. Sida Sanna Marin ay sheegtay, dowladdu waxaa ay dhegeysan doontaa cadeymo dheeraad ah oo arrimahaas la xiriira.

Waxaa diyaariyay Abdirizak Sugulle

Isha warka: YLE