Golaha deegaanka magaalada Helsinki oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hindise lagu doonayo in dib-u-qiimeyn lagu sameeyo waxbarashada S2 (finnishka oo sidii luqad labaad ah)

Photo: Pertti Nisonen /Helsingin Kaupunki

Yanar Ozan oo ah Mudane ka tirsan Golaha deegaanka magaalada Helsinki xubinna ka ah xisbiga Cagaarka (Vihreät) oo soojeediyay hindise uu ku dalbanayo, in dib –u-qiimeyn lagu sameeyo waxbarashada S2 (finnishka oo sidii luqad labaad ah) ayaa taageero u helay hindisihiisa kuna guuleystay in hindisahaas la taageero lana ansixiyo.

Hindisahan uu soojeediyay Mudane Yanar Ozan (Vihreät) islamarkaasna ay saxiixooda ku taageero mudanayaal badan ayaa lagu dalbaday in dib loo furo qiimeyn buuxdana lagu sameeyo habraaca xulashada ardayda qaadanaysa waxbarashada S2.

Mudane Yanar Ozan oo hindisaha u cuskaday maqaal baaritaan ku salaysnaa oo lagu daabacay Wargeyska HS (Helsingin sanomat), waayo-aragnimo uu isagu u leeyahay waxbarashada S2 iyo xiriirro ay waalidiin badan la soo sameeyay isaga, ayaa sheegay in la joogo wakhtigii dib-u-eegis lagu samayn lahaa habraaca la maro marka ardayda lagu qorayo waxbarashada S2.

Mudanahan ayaa sheegay in, inkastoo ay waxbarashada S2 aad muhiim u tahay arday bandanna ay u baahan yihiin, isaga naftiisuna uu soo qaatay, ay haddana jiraan caddaymo bidhaaminaya, in dhammaan ardayda qaadata waxbarashada S2 aanay u baahnyan waxbarashadaas oo ay afka finnishka u baran karaan sidii afkooda hooyo oo kale.

Hindisaha Mudane Yanar Ozan (Vireät) ayaa sidoo kale lagu sheegay, in dhibaatada jirta ay tahay, in arday Finland ku dhashay afka finnishka aad u yaqaan si otomaatig ah oo asalkiisa ku salaysan loogu qoro waxbarashada S2.

Talllaabadaas ayaa sida hindisaha lagu sheegay u direysa cunugga (ardayga) farriin ah, in isaga loo arko qof waddanka u soo guuray oo soo-galooti ah, taasina waxay quudinaysaa dareenka ah, in aanu bulshada qayb ka ahayn oo uu ka baxsan.

Shirkii Golaha deegaanka Helsinki ee dhacay 15.11.2023 ayaa lagu aqbalay hindisaha Mudane Yanar Ozan ee ku saabsan dib u qiimeynta habraaca xulashada ardayda la siinayo waxbarashada S2. Cod aqlabaniyad leh ayeey wakiillada Golaha deegaanku ku ansixiyeen hindisaha Mudane Ozan.

Guddiga waxbarashada iyo barbaarinta ee Golaha deegaanka Helsinki ayaa xaqiijinaya horay u sii socodsiinta go’aanka Golaha deegaanka waxaana arrinta ka soo talabixin doono Hoggaanka waxbarashada iyo barbaarinta ee magaalada Helsinki.

Wargeyska HS ayaa 27.1.2023 warbixin ka qoray cilmibaaris lagu sheegay, in boqolkiiba 20 (%20) dhallinyarada ku jirta waxbarashada S2 ay maaddada afka hooyo (afka finnishka) si fiican uga soo bixi karaan ama xittaa ay uga sii fiicnaan karaan ardayda afka finnishka u barata sidii afkooda hooyo oo kale.

Waxaa jira welwel ay qabaan dadka soo-galootiga ah ama dadka asal ahaan ka soojeedo waalidiin soo-galooti ah, welwelkaas oo la xiriira saamaynta ay waxbarashada S2 ku yeelan karto sii wadashada waxbarashada heerka labaad ee ka dambaysa waxbarashada aasaasiga ah iyo tacliinta sare.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka waxbarashada ayaa sheegay, in aanay waxbarashada S2 saamayn ku lahayn u gudbidda waxbarashada heerka labaad iyo tacliinta sare.

Faahfaahinta hindisahan iyo go’aanka lagu ansixiyayba waxaad ka bogan kartaa kolka aad dhag-siiso linkigan:

Waxaa diyaariyay qoraalkan Abdi Musse Mohamud/SSMV