Gaari u kireysnaa Ciidanka Ilaalada Xudduudaha Finland oo ku qarxay Lapland

Walxo qarxa oo lagu xiray gaari kiro ahaa ayaa ku qarxay magaalada Xuduudda ku taalla ee Tornio ee Lapland ee dalkan Finland subaxnimadii Talaadada, sida ay sheegtay dowladda.

Gaariga qarxay ayaa u kireysnaa ciidanka Ilaalada xuduuddaha.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Pudas ee magaalada Tornio, waddada, Aarnintie street. Xaafadda ayaa ah xaafad ay ku yaalaan guryo dabaqyo ah.

Baaritaanka qaraxa laga shakisan yahay ayaa weli ku jira marxalidihiisii koowaad, booliska gobolka Lapland weli war kama soo saarin, lamana sheegin in qaraxa dad ku dhinteen ama ku dhaawacmeen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Tatu Savikurki ayaa yiri, “Waxaan maqlay jug weyn” abbaaro 1-dii habeenimo.

laamaha amniga ayaa baadi goobaya goobjoogayaal arkayay haddii ay jiraan shakhsiyaad ama baabuur lagu arkay agagaarka meesha qaraxu ka dhacay oo ku beegneyd abaaro 12-1 habeenimo ee 4-ta bisha Agoosto.

Wixii macluumaad dheeri ah waxaa lagu hagaajin karaa Qeybta booliska ee Lapland telephone at 02 95 466 481 ama email rta.lappi@poliisi.fi.

Isha Warka: Yle News
Xuquuqda Sawirka: Yle News