Finland waxaa laga helay maanta 309 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Axad 20.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 309 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 33 162 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 47 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 140 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 75 qof laga helay, iyo Pirkanmaan  oo 14 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota:  Helsinki: 65 qof, Turku: 60 qof, Vantaa: 38 qof, Espoo: 23 qof,  Tampere: 11 qof, Oulu: 10 qof, Imatra: 10 qof, Lahti: 9 qof,  Nurmijärvi: 7 qof, Hämeenlinna: 7 qof, Mustasaari: 5 qof, Salo: 4 qof, Jyväskylä: 4 qof, Riihimäki: 3, qof Kouvola: 3 qof, Pori: 3 qof, Kerava: 3 qof, Joensuu: 3 qof, Pieksämäki: 3 qof, Naantali: 2 qof , Lieto: 2 qof, Kaarina: 2 qof, Tyrnävä: 2 qof, Rovaniemi: 2 qof, Varkaus: 2 qof, Uurainen: 2 qof, Masku: 2 qof, Uusikaupunki: 2 qof, Vaasa: 2  qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 263 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 489 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

23 778 061   76 718 430
 

Tirada u dhimatay feyruska

    514 698      1  693 942

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 18   milyan  189 650    2 559 323 404
  2 Hindiya 10   milyan    26 834       342 145 513
  3 Baraaziil 7,21   milyan    49 243       669 186 356
  4 Ruushka 2,81   milyan    28 209       585   50 347
  5 Faransiiska 2,46   milyan    17 565       189   60 418
  6 Turkiga 2,00   milyan    22 195       241   17 851
  7 Ingiriiska 2,00   milyan    27 052       534   67 075
  8 Talyaaniga 1,93   milyan    16 308       553   68 447
  9 Spain 1,81   milyan       48 926
10 Arjantiin 1,53   milyan      5 795         91   41 763
11 Kolombiya 1,49   milyan     13 990       249   40 268
12 Jarmalka 1,49   milyan     23 970       411   26 414
13 Meksiko 1,30   milyan     12 248       762  117 249
14 Poland 1,19   milyan     11 263       483    25 254
15 Iiraan 1,15   milyan       7 421       175    53 448

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS