Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 781 qof oo hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 10.08.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 781 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 113 437 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 100 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 368 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 131 qof, gobolka Varsinais-Suomi  waxaa laga helay 47qof iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 33 qof .

Magaalooyinka ugu badan ee dalkaan Finland laga helay feyruska waa sidatan soo socota:

tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 165
Tampere 80
Vantaa 70
Espoo 65
Lahti 29
Turku 25
Oulu 21
Kangasala 17
Rovaniemi 16
Ylöjärvi 14
Joensuu 14
Rauma 13
Hämeenlinna 12
Vaasa 11
Jyväskylä 10
Kirkkonummi 9
Vihti 8
Kerava 8
Nurmijärvi 8
Lempäälä 7
Kotka 7
Seinäjoki 6
Kouvola 6
Kuopio 6
Lohja 6
Lappeenranta 6
Järvenpää 5
Lieto 4
Kokkola 4
Hyvinkää 4
Salo 4
Sipoo 4
Juva 4
Porvoo 4
Pirkkala 4
Lapua 4

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 93 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 16 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 993 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 11 588 oo qof, kuwaasoo 7 947 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 444 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 2 190 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 7 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 06.08).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,74 milyan oo qof, taasoo u dhigmata 67,4% tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 2,16 milyan, taasoo u dhigmata 38,9 % tirada dadka Finland (10.08.).

Xigasho:YLE,HS