Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 612 qof oo hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 27.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 612 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 103 851 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 90 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 329 qof. Gobolka Pirkanmaa waxaa laga helay 81 qof, gobolka Varsinais-Suomi waxaa laga helay 44 qof iyo gobolka Päijät-Häme oo laga helay 38 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 154
Espoo 69
Tampere 61
Vantaa 55
Turku 31
Lahti 23
Äänekoski 17
Jyväskylä 15
Oulu 9
Porvoo 9
Kajaani 9
Lappeenranta 7
Järvenpää 7
Heinola 7
Kirkkonummi 6
Hyvinkää 6
Lempäälä 6
Rovaniemi 6
Kuopio 6
Tuusula 5
Tyrnävä 5
Kerava 5
Vihti 4
Sodankylä 3
Hämeenlinna 3
Iisalmi 3
Hämeenkyrö 3
Pirkkala 3
Masku 3
Paimio 3
Kouvola 3
Hollola 3
Kaarina 3
Kangasala 3
Sipoo 2
Mikkeli 2
Vaasa 2
Ii 2
Jämsä 2
Ylivieska 2
Salo 2
Ulvila 2
Joensuu 2
Riihimäki 2
Lohja 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 53 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 8 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 982 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 10 679 oo qof, kuwaasoo 7 904 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 428 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 1 341 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 6 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 21.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3 633 367 oo qof, taasoo u dhigmata 64,7 % tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1 743 156, taasoo u dhigmata 30% tirada dadka Finland (23.07.).

Xigasho:YLE,HS