Finland waxaa laga helay maanta 47 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Jimco 11.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 47 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 93 660 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 23 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 25 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 4 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Vantaa 13
Helsinki 6
Tornio 4
Turku 3
Oulu 2
Jyväskylä 2
Joensuu 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 55 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  9 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 964 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 8 393 oo qof, kuwaasoo 6 883 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 367 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 141 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 09.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 744 000 oo qof (11.06). labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 675 000 oo qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 175 687 030 53,3
Tirada u dhimatay feyruska 3 790 469 1,1

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 5 031 237 53 093 042
Tirada u dhimatay feyruska  134 064 730 371

 

  Qaaradda W/Amerika Qaaradda K/Amerika
Tirada feyruska laga helay 40 088 596 30 215 159
Tirada u dhimatay feyruska      905 496 933 492

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 29,273,338     91 266   3 402  363 097
Baraaziil 17,215,159     89 802   2 344  482 135
Arjantiin 4,066,156     27 628      669    83 941
Kolombiya 3,665,137     29 032      573    94 046

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,083,456    736     1  14 537
63 Denmark 288 074    475      2    2 522
88 Norwey 127,676    210           789
159 Iceland  6 612                 30
42 Saudi-Arabia  462,528    1 286     16     7 519
133 Soomaaliya  14 779                 774

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS