Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 412 qof oo hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Jimco 23.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 412 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 102 042 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 87 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 195 qof.  Gobolka Varsinais-Suomi waxaa laga helay 66 qof, gobolka Pirkanmaa waxaa laga helay 34 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 117
Turku 43
Vantaa 30
Tampere 21
Jyväskylä 12
Kajaani 9
Joensuu 8
Salo 8
Tornio 7
Kuopio 7
Hämeenlinna 6
Oulu 6
Pori 5
Tuusula 4
Kouvola 4
Sotkamo 4
Rovaniemi 4
Urjala 4
Maarianhamina 3
Lieto 3
Raisio 3
Vaasa 3
Lahti 3
Heinola 3
Kangasala 3
Äänekoski 3
Kemi 2
Jämsä 2
Seinäjoki 2
Riihimäki 2
Nurmijärvi 2
Porvoo 2
Rauma 2
Ylöjärvi 2
Naantali 2
Kauniainen 2
Järvenpää 2
Kirkkonummi 2
Mäntyharju 2
Rusko 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 56 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 9 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 978 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 10 679 oo qof, kuwaasoo 7 904 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 428 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 1 341 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 6 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 21.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,6 milyan oo qof, taasoo u dhigmata 64,7 % tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1 667 000, taasoo u dhigmata 30% tirada dadka Finland (23.07.).