Finland waxaa laga helay maanta 804 xaaladood oo feyruska korona ah iyo hal xaalad oo dhimasho cusub ah

Khamiis 18.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 804 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 69 497 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 297 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 275 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  50 qof, waxaana tiradii shalay ku soo korortay 7 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 805 qof, kaddib markii THL ay sheegtay maanta in hal qof oo hor leh uu u dhintay  xanuunka feyruska korona awgiis. Laba toddobaad gudahood waxaa dalkaan Finland xanuunka feyruska korona awgiis ugu geeriyooday 47 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 671 647 oo qof (18.03)

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       40 408 106     121 938 764
             907 167          2 694 906

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS