Finland waxaa laga helay maanta 803 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah iyo 2 xaaladood oo dhimasho ah

Arbaco 24.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 803 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 73 516 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 627 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 88 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 508 qof,  waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 98 qof, gobolkaa Pirkanmaa oo laga helay 52 qof  iyo Päijät-Häme oo laga helay min 38 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 284 Salo 5
Vantaa 83 Nurmijärvi 4
Espoo 67 Pöytyä 4
Turku 65 Kirkkonummi 4
Lahti 31 Raiso 3
Kerava 15 Kuopio 3
Lappeenranta 10 Orimattila 3
Kauniainen 8 Imatra 3
Kaarina 7 Kauhajoki 3
Porvoo 7 Juva 3
Kotka 7 Janakkala 3
Jyväskylä 7 Hamina 3
Tuusula 7 Kouvola 3
Lohja 6 Laukaa 3
Vihti 6 Kajaani 2
Joensuu 6 Kristiinakaup. 2
Hämeenlinna 6 Kauhava 2
Oulu 5 Peialvesi 2
Ylöjärvi 5 Akaa 2
Naantali 5 Lempäälä 2
Järvenpää 5 Taipalsaari 2
Riihimäki 5 Lieto 2
Mikkeli 5 Vaasa 2
5 4 Orivesi 2

 

Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 295 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  62 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 811 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in maanta 2 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 963 qof, kuwaasoo 1 823 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 139-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 759 827oo qof (24.03)

 Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 Tirada feyruska laga helay    41 718 301      124 932 646
 Tirada dhimashada          927 100             2 748 761

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 30,636,534    58 705       936  556 883
2 Baraaziil 12,136,615    84 996    3 158  298 843
3 Hindiya 11, 733,594    47 264       277  160 477
4 Ruushka   4,474,610      8 457       427    95 818
5 Faransiiska   4,313,073     14 678       287    92 908
6 Ingiriiska   4,307,304       5 379       112  126 284
7 Talyaaniga   3,419,616     18 765        551  105 879
8 Isbeyn   3,234,319      5 516        201    73 744
9 Turkey   3,061,520    26 182        138    30 316
10 Jarmalka   2,698,205    10 943        290    75 708
11 Kolombiya   2,347,224     4 946        126    62 274
12 Arjantiin   2,261,577     9 405        152    54 823
13 Meksiko   2,197,160      1 388        203  198 239
14 Poland   2,090,693    17 565        400    49 765
15 Iiraan   1,815,712      7 290          74    61 951
16 Ukraine   1,565,732    11 476        333    30 431
17 Koonfur-Afrika   1,538,961         510          55    52 251
18 Peru   1,481,259      8 469         135    50 474
19 Czechia   1,475,627      8 243         186    25 170
20 Indonesia   1,471,627      8 243         186    39 865
21 Netherlands   1,213,366      5 560           49    16 339

Xigasho: YLE, HS,WORLDOMETERS