Finland waxaa laga helay maanta 758 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 5 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Khamiis 04.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 758 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 60 200 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 991 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 82 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 517 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 87 qof, iyo gobolka Satakunta oo 38 qof ah, sidoo kale gobolka Pirkanmaa waxaa laga helay 22 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 244 Loimaa 4
Vantaa 102 Mäntsälä 4
Espoo 81 Tuusula 4
Turku 52 Uusikaupunki 3
Rauma 25 Hämeenlinna 3
Lappeenranta 12 Hanko 3
Tampere 11 Ylöjärvi 3
Kaarina 10 Vaasa 3
Nurmijärvi 10 Parainen 2
Oulu 10 Laittila 2
Nurmijärvi 14 Jomala 2
Oulu 11 Salo 2
Kerava 9 Nokia 2
Porvoo 9 Lemland 2
Lahti 9 Vihti 2
Järvenpää 9 Kokkola 2
Lohja 8 Raasepori 2
Hyvinkää 8 Kangasala 2
Kirkkonummi 8 Rautalampi 2
Raiso 7 Laukkaa 2
Sipoo 6 Hollola 2
Karkkila 6 Ulvila 1
Riihimäki 5 Pyhäjoki 1
Eurajoki 5 Aura 1
Pori 5 Kemiönsaari 1
Jyväskylä 5 Liminka 1
Mikkeli 5 Närpiö 1
Maarianhamina 4 Inkoo 1
Kuopio 4 Rusko 1
Suintio 1 Laihia 1
Asikkala 1 Rovaniemi 1
Mustasaari 1 Ylivieska 1
Tornio 1 Hirvensalmi 1
Kruunupyy 1 Kauhajoki 1
Orivesi 1 Lieto 1
Kempele 1 Huittinen 1
Lempäälä 1 Orimattila 1
Eura 1 Pirkkala 1
Siilinjärvi 1 Mänttä 1
Imatra 1 Maalahti 1
Mynämäki 1 Muurame 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 245 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  39 qof, waxaana ku soo kordhay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 764 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 5 xaaladood oo dhimasho cusub ah.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 284 qof, kuwaasoo 1 213 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 70-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

  • Dowladdu waxay soo bandhigtay Khamiistii 25.2 howlo cusub oo looga hortagaayo koronaha (2. uusia koronatoimia), kuwaasoo loogu talaggalay gobollada ku jira xaaladaha faafista iyo karaarqaadshada ee feyruska.
  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).
  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.
  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollda ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.
  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunweynaha oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 425 545 qof (04.03).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       37 999 494     115 864 995
               863 441          2 573 583

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 29,456,377    66 879   2 350  531 652
2 Hindiya 11,156 748    17 425        86  157 471
3 Baraaziil 10,722,221    74 376    1 840  259 402
4 Ruushka   4,278,750    10 535       452    87 348
5 Ingiriiska   4,194,785      6 385       315  123 783
6 Faransiiska   3,810,316    26 788       322    87 542
7 Isbeyn   3,136,321      6 137       446    70 247
8 Talyaaniga   2,976,274    20 884       347    98 635
9 Turkey   2,734,836    11 520         65    28 7771
10 Jarmalka   2,472,896   10 835        386    71 711
11 Kolombiya   2,262,646      3 047        110    60 082
12 Arjantiin   2,126,531      7 855        261    52 453
13 Meksiko   2,097,194      7 913     1 035  187 187
14 Poland   1,735,409    15 701        309    44 360
15 Iiraan   1,656,699      8 525          86    60 353
16 Konfur-Afrika   1,516,262      1 447         95    50 366
17 Ukriane   1,364,705      7 235        185    26 397
18 Indonesia   1,353,834      6 808        203    36 721
19 Peru   1,344,969      6 672        195    47 089
20 Czechia   1,269,200    16 756        178    21 035
21 Netherlands   1,101,430      4 997          48    15 697

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS