Finland waxaa laga helay maanta 706 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Jimce 12.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 706 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 65 315 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 908 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 61 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 499 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 82 qof iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo lga helay 22 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan laga helay waxaa ka mid ah:

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 251 Kemiönsaari 2
Vantaa 102 Sauvo 2
Espoo 76 Kangasala 2
Turku 57 Liminka 5
Tampere 16 Kuusamo 2
Kuopio 24 Pyhäntä 2
Oulu 12 Vaasa 2
Kerava 4 Rauma 7
Nurmijärvi 6 Hämeenlinna 2
Kirkkonummi 4 Iisalmi 2
Hyvinkää 8 Kouvola 10
Järvenpää 3 Kotka 2
Lahti 8 Mikkeli 2
Tuusula 5 Kauhava 2
Porvoo 8 Lappeenranta 7
Vihti 5 Maarinahamina 5
Lohja 7 Savonlinna 2
Sipoo 3 Keminmaa 1
Mäntsälä 8 Parikkala 1
Karkkila 2 Ilmajoki 1
Loviisa 4 Rautalampi 1
Askola 2 Jokioinen 1
Raiso 5 Hausjärvi 1
Laittila 4 Jyväskylä 1

 

Inta kale ee soo hartay ee magaalooyinka na waxaa laga helay min 1 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 264 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  47 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 786 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah. Labatdoodbaad gudahood waxaa dalkaan Finland xanuunka feyruska korona awgiis ugu geeriyooday 43 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 736 qof, kuwaasoo 1 633 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 102-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 565 463 oo qof (12.03)

  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).
  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.
  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollada ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.
  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunweynaha oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       39 309 111     119 236 262
             888 719          2 644 007

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 29,925,902    62 773    1 531  543 721
2 Hindiya 11,305,979    21 668       113  158 326
3 Baraaziil 11, 284,269    78 297    2 207  273 124
4 Ruushka   4,360,823      9 270       459    90 734
5 Ingiriiska   4,241,677      6 753       181  125 168
6 Faransiiska   3,990,331    27 166       265    89 830
7 Isbeyn   3,178,356      6 255       166    72 085
8 Talyaaniga   3,149,017    25 673       373  101 184
9 Turkey   2,835,989    14 046         63    29 290
10 Jarmalka   2,546,510    13 655        284    73 560
11 Kolombiya   2,290,539      4 579         85    60 858
12 Arjantiin   2,177,898      8 204        134    53 493
13 Meksiko   2,144,558      6 674        669  192 488
14 Poland   1,849,522     21 143        375    46 373
15 Iiraan   1,723,470      8 308         88    61 016
16 Konfur-Afrika   1,525,648     1 474          95    51 110
17 Ukraine   1,425,522      9 048        262    27 685
18 Indonesia   1,403,722      5 144        117    38 049
19 Peru   1,394,571      7 114        161    48 484
20 Czechia   1,365,915    14 516        202    22 743
21 Netherlands   1,138,796      5 322          50    15 998

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS