Finland waxaa laga helay maanta 691 xaaladood oo feyruska korona ah

Sabti 13.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 691 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 66 006 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 954 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 90 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 478 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 101.

Magaalooyinka tirada ugu badan laga helay waxaa ka mid ah:

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 255 Pori 4
Vantaa 97 Imatra 3
Espoo 71 Paimio 3
Turku 55 Heinola 3
Tampere 16 Laukkaa 3
Lappeenranta 15 Kuopio 3
Porvoo 10 Järvenpää 3
Naantali 8 Pukkila 3
Lahti 8 Lieto 3
Kaarina 7 Kemi 3
Hyvinkää 7 Forssa 2
Tampere 7 Rovaniemi 2
Vihti 6 Hämeenlinna 2
Rauma 6 Orimattila 2
Oulu 6 Aura 2
Uusikaupunki 6 Kemiönsaari 2
Raiso 5 Mikkeli 2
Kerava 5 Joroinen 2
Tuusula 5 Mäntsälä 2
Lohja 5 Kajaani 2
Karkkila 4 Vaasa 2
Janakkala 4 Eura 2
Rusko 4 Savonlinna 2
Parainen 4 Kauniainen 2

 

Inta kale ee soo hartay ee magaalooyinka  waxaa laga helay min 1 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 264 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  47 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 786 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah. Laba toddobaad gudahood waxaa dalkaan Finland xanuunka feyruska korona awgiis ugu geeriyooday 43 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 736 qof, kuwaasoo 1 633 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 102-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 586 000 oo qof (13.03)

  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).
  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.
  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollada ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.
  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunweynaha oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       39 516 604     119 724 597
             892 167          2 653 799

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS