Finland waxaa laga helay maanta 654 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah iyo 2 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Khamiis 01.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 654 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 78 106 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 609 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 83 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 363 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 104 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 40 qof iyo gobolka Kymenlaakso oo laga helay 32 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 179 Laitila 5
Espoo 70 Kuopio 5
Vantaa 57 Järvenpää 5
Turku 44 Varkaus 4
Lahti 22 Kouvola 4
Tampere 22 Lieto 4
Salo 22 Oulu 4
Kotka 19 Joensuu 4
Tuusula 11 Vihti 3
Kerava 9 Virolahti 3
Savonlinna 9 Lempäälä 3
Jyväskylä 9 Sauvo 3
Nurmijärvi 8 Kauniainen 3
Porvoo 8 Pöytyä 2
Lappeenranta 7 Hämeenlinna 2
Raisio 7 Hyvinkää 2
Kaarina 7 Naantali 2
Jämsä 6 Laukaa 2
Seinäjoki 6 Liperi 2
Imatra 6 Hattula 2
Hamina 6 Koski Tl 2
Hamina 7 Pori 2
Vaasa 5 Vesilahti 2
Kokkola 5 Uusikaupunki 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 264 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  52 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 846 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in 2 qof oo hor leh ay maanta u dhinteen feyruska korona. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 40 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 700 oo qof, kuwaasoo 2 474 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 225-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 930 842 oo qof (01.04)

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay  4673 724  129 625 663
 

Tirada u dhimatay feyruska

 

956 209

 

2 830 882

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS