Finland waxaa laga helay maanta 590 xaaladood oo feyruska korona iyo 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Arbaca 24.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 590 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 55 122 qof. Toddobadii maalmood ee ugu dambaysay waxaa tirada faafista cudurka ay noqotay 3 527 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 80 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 383 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 61 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 201 Lieto 2
Rauma 76 Yläjärvi 2
Vantaa 73 Uusikaupunki 2
Espoo 46 Raiso 2
Turku 35 Kouvola 2
Oulu 18 Ylivieska 2
Nurmijärvi 11 Riihimäki 2
Jyväskylä 11 Raahe 2
Järvempää 11 Kolari 2
Kerava 10 Kotka 2
Lappeenranta 8 Hyvinkää 2
Mikkeli 8 Masku 1
Lahti 6 Naantali 1
Kirkkonummi 6 Loimaa 1
Tuusula 6 Huittinen 1
Porvoo 5 Orivesi 1
Tampere 5 Kittilä 1
Lohja 4 Kokkola 1
Vaasa 4 Lapinlahti 1
Maarianhamina 4 Lempäälä 1
Paimio 4 Pornainen 1
Kalajoki 4 Eura 1
Pukkila 4 Kajaani 1
Laitila 3 Vihti 1
Joensuu 3 Kruunupyy 1
Salo 3 Seinajöki 1
Kuopio 3 Hirvensalmi 1
Kaarina 3 Oulainen 1
Kurikka 3 Hammarland 1
Sipoo 3 Mäntsälä 1  
Hämeenlinna 2 Pyhärnta 1  
Raasepori 1 Ulvila 1  
Imatra 1 Uusikaarlepyy 1  
Orimattila 1 Nokia 1  
Varkaus 1 Kuusamo 1  
Isokyrö 1 Kitee 1  
Hausjärvi 1 Kempele 1  
Janakkala 1 Heinola 1  
Siuntio 1 Pirkkala 1  
Rovaniemi 1 Eurajoki 1  

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 193 qof, tiradaasoo 7 qof ka badan intii daryeelka isbitaalka ku jirtay Talaadadii, Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  35 qof, waxaana Talaadadii kaddib ku soo kordhay 1 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 737 qof, kaddib dhimashada 3 qof oo cusub oo ay sheegtay maanta hay’adda THL.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 609 qof, kuwaasoo 660 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 29-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 302 342 qof (24.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       36 800 179     112 726 316
                837 147           2 498 395

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,897,718    71 054    2 404  514 996
2 Hindiya 11,029,326    13 463       100  156 598
3 Baraaziil 10,269,621    63 090    1 370  248 646
4 Ruushka   4,198,153    11 823       417    84 047
5 Ingiriiska   4,134,639      8 489       548  121 305
6 Faransiiska   3,629,891   20 064       341    85 044
7 Isbeyn   3,161,432      7 461       443    68 079
8 Talyaaniga   2,832,162   13 314       356    96 348
9 Turkey   2,655,633      9 107         75    28 213
10 Jarmalka   2,405,263      5 763        442    69 214
11 Kolombiya   2,233,589      3 926        144    59 118
12 Arjantiin   2,077,228      7 477        151    51 510
13 Meksiko   2,043,632      2 252        429  180 536
14 Poland   1,648,963      6 311        247    42 436
15 Iiraan   1,590,605      8 330          91    59 663
16 Konfur-Afrika   1,505,586         998        263    49 413
17 Ukriane   1,311,844      4 182        153    25 309
18 Indonesia   1,298,608      9 775        323    35 014
19 Peru   1,293,497      6 740        224    45 487
20 Czechia   1,168,860    11 391        148    19 618
21 Netherlands   1,064,598      3 797          94    15 343

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS