Finland waxaa laga helay maanta 588 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 2 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Finland waxaa laga helay maanta 588 xaaladood oo feyruska korona ah  iyo 2 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Talaada 09.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 588 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 63 110 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 578 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 317 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay in ka badan 50 qof.

MAgaalada Helsinki (218 qof), Vantaa (57 qof), Espoo (42 qof) iyo magaalada Turku oo laga helay (50 qof).

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 248 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  40 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 776 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in maanta oo talaada ah ay dhinteen 2  qof oo hor leh.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 490 735 oo qof (09.03)

  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).
  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.
  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollada ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.
  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunweynaha oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       38 734 950     117 827 692
               877 958          2 613 822

Xigasho: Yle, HS, Worldometers