Finland waxaa laga helay maanta 556 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah

Jimco 02.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 566 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 78 672 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 405 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 89 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 307 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 78 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 40 qof iyo gobolka Kymenlaakso oo laga helay 28 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 136 Pieksämäki 5
Espoo 57 Virolahti 4
Vantaa 50 Oulu 4
Turku 48 Joensuu 3
Lahti 22 Muurame 3
Tampere 17 Laukaa 3
Tuusula 15 Mäntsälä 3
Kerava 14 Kuopio 3
Salo 12 Mikkeli 2
Savonlinna 11 Rauma 2
Lappeenranta 8 Hämeenlinna 2
Kouvola 8 Nurmijärvi 2
Hamina 8 Tammela 2
Vihti 8 Pudasjärvi 2
Järvenpää 8 Vaasa 2
Jyväskylä 8 Forssa 2
Kotka 7 Hollola 2
Porvoo 6 Kauhajoki 2
Raisio 6 Siilinjärvi 2
Seinäjoki 6 Säkylä 2
Kokkola 5 Karkkila 2
Kaarina 5 Vyöri 2
Eura 5 Inkoo 1
Pori 5 Rovaniemi 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 264 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  52 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 846 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 40 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 700 oo qof, kuwaasoo 2 474 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 225-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 965 298 oo qof (02.04)

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

4967 961

 

130 313 443

 

 

Tirada u dhimatay feyruska

 

 

960 309

 

 

2 842 621

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 31,244,639    76 786       952  566,611
2 Baraaziil 12,842,717    89 459    3 673  325 559
3 Hindiya 12,302,110    81 441       468  163 428
4 Faransiiska   4,65,082    50 659       314    95 976
5 Ruushka   4,554,264      9 169       383    99 233
6 Ingiriiska   4,350,266      4 478         51  126 764
7 Talyaaniga   3,607,083    23 649       501  109 847
8 Turkey   3,357,988    40 806       176    31 713
9 Spain   3,291,394      7 041         82    75 541
10 Jarmalka   2,854,137    23 802        205    77 224
11 Kolombiya   2,417,826    11 449        192    63 614
12 Arjantiin   2,363,251    14 430          83    55 941
13 Poland   2,356,965    35 246         624    53 668
14 Mexico   2,238,887      5 977         577  203 210
15 Iiraan   1,889,314    11 750         94    62 759
16 Ukraine   1,691,737    17 569        421    33 246
17 Peru   1,561,723    12 916        153    52 161
18 Koonfur-Afrika   1,549,451      1 294          51    52 897
19 Czechia   1,539,658      7 245         137    26 682
20 Indonesia   1,517,854      6 142        196    41 054
21 Netherlands   1,280,443      7 827          22    16 559
22 Chile 1,003,406      7 868         193    23 328

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS