Finland waxaa laga helay maanta 459 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 7 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Isniin 08.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 459 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 62 522 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 390 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 61 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 305 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 51 qof, iyo gobolka Vaasa oo 19 qof ah, sidoo kale gobolka Pohjois-Pohjanmaa waxaa laga helay 17 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 135 Liminka 2
Vantaa 65 Kouvola 2
Espoo 60 Loimaa 2
Turku 36 Nurmijärvi 2
Vaasa 13 Kaarina 1
Lappeenranta 13 Karkkila 1
Oulu 12 Aura 1
Lahti 9 Maarianhamina 1
Kirkkonummi 9 Sysmä 1
Tampere 8 Janakkala 1
Jyväskylä 7 Orimattila 1
Tuusula 6 Uusikaupunki 1
Järvenpää 6 Pornainen 1
Vihti 5 Lohja 1
Kemiönsaari 4 Kangasala 1
Närpiö 4 Tornio 1
Kerava 4 Parainen 1
Hämeenlinna 3 Laihia 1
Mäntsälä 3 Maalahti 1
Imatra 2 Raasepori 1
Rauma 2 Rovaniemi 1
Rusko 2 Hollola 1
Sipoo 2 Huittinen 1
Raisio 2 Keminmaa 1
Heinola 2 Kangasnimemi 1
Jomala 2 Hyvinkää 1
Pori 2 Valkeakoski 1
Kauniainen 2 Nokia 1
Kempele 2 Hamina 1
Mikkeli 1 Pyhäjoki 1
Paimio 1 Porvaa 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 251 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  37 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 774 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta in ay dhinteen 7 qof o hor leh.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 295 qof, kuwaasoo 1 223 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 71-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

  • Dowladdu waxay soo bandhigtay Khamiistii 25.2 howlo cusub oo looga hortagaayo koronaha (2. uusia koronatoimia), kuwaasoo loogu talaggalay gobollada ku jira xaaladaha faafista iyo karaarqaadshada ee feyruska.
  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).
  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.
  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollada ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.
  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunweynaha oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

Dowladda ayaa manta go’aan ku gaartay in ay baarlamaanka u gudbiso qodobo dhinaca sharciga ah oo la doonayo in lagu dhaqmo xilliga xukunka degdegga ah. Ra’iisul wasaaraha dalkan Finland Sanna Marin ayaa sheegtay in sababta howlahaan aadka culus loo qaadanaayo ay tahay xaaladda aadka u xun ee feyruska korona ee socota awgeed.

 Qodobka koowaad: waxaa uu magaalooyinka iyo degmooyinka dalka u oggolaanayaa suurtaggalnimada ah, in wixii ballamo ama qalliin daryeel ah oo aan degdeg ahayn ee hore sharciga dalka loogu qeexay, ay joojin karaan. Ujeedaduna waxaa ay tahay sidii loo sugi lahaa in awoodda caafimaadka ay noqoto mid ku filan, haddii tirada bukaannada korona ee isbitaallada ay sii kordhaan.

Qodobka labaad: waxaa uu u oggolaanayaa wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada iyo mas’uulyiinta maamul goboleedyada, suurtaggalnimada ah in ay amri karaan in waaxaha daryeelka guud iyo kuwa gaarka ah, ay wax ka beddelaan howlahooda waxqabadka daryeelka, haddii xaaladda cudurka safmarka ah ay wax kaqabashada arrinkaas u baahato.

Qodobka saddexaad: ee aan caadiga ahayn, waxaa uu kordhinayaa awoodaha ra’iisul wasaaraha. Haddii mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’adaha kale ee shaqada haya ay ku kala argti duwanaadaan awoodahooda waxqabad, waxaa markaa arrinka go’aan ka gaaraya golaha wasiirrada, kaddib marka ra’iisul wasaaruhu u soo gudbiyo.

Qodobka afaraad: ee aan caadiga ahayn waxaa uu xoogga saari doonaa in golaha wasiirradu ay la wareegaan hoggaanka gudbinta wararka dowladda. Ujeedadu waxaa ay tahay in la sameeyo war isgaarsiin isu dheelitiran. Dowladduna iyada ayaa si toos ah ula wareegeysa arrimaha warbaahinta.

Ugu dambaynta qodobadda xukunka degdegga ah waxaa go’aan ka gaaraaya baarlamaanka.

Qodobadan xukunka degdegga ah waxaa ay dhaqngeli doonaan khamiista 11 bisha Maarso, waxaana ay socon doonaan illaa iyo 30-ka bisha Apriil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 481 577 qof (08.03).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       38 620 220     117 592 236
             875 087          2 607 817

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee labadii maalmood ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 29,696,250    41 967       716  537 838
2 Hindiya 11,229,271    18 691         99  157 890
3 Baraaziil 11,019,344    80 024    1 054  265 500
4 Ruushka   4,322,776    10 595       368    89 094
5 Ingiriiska   4,218,520      5 177         82  124 501
6 Faransiiska   3,904,233    21 825       130    88 574
7 Isbeyn   3,149,012                71 138
8 Talyaaniga   3,067,466    20 745       207    99 785
9 Turkey   2,780,417    11 187         65    29 030
10 Jarmalka   2,508,655,      6 533         62    75 532
11 Kolombiya   2,276,656      3 411         91    60 503
12 Arjantiin   2,149,636      2 922         10    52 880
13 Meksiko   2,125,866      6 561        779  190 357
14 Poland   1,794,913    13 573        126    45 285
15 Iiraan   1,689,692      8 010          93    60 687
16 Konfur-Afrika   1,521,068         862          31    50 678
17 Ukriane   1,401,228       7 167        103    27 022
18 Indonesia   1,379,662       5 826        112    37 266
19 Peru   1,371,176       6 212        173    47 854
20 Czechia   1,321,368       9 092        152    21 791
21 Netherlands   1,120,075       4 526          30    15 833

 Xigasho: Yle, HS, worldometers