Finland waxaa laga helay maanta 458 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah

Axad 28.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 458 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 76 003 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 134 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 61 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 250 qof, gobolkaVarsinais-Suomi oo laga helay 69 qof, iyo gobolka Kymenlaakso oo laga helay 21 qof .

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 122 Hollola 4
Turku 56 Vaasa 4
Espoo 46 Koski Tl 3
Vantaa 33 Jyväskylä 3
Lahti 16 Porvoo 3
Savonlinna 15 Kangasala 3
Lappeenranta 11 Muurame 2
Kerava 8 Mäntsälä 2
Tuusula 8 Nurmijärvi 2
Kotka 8 Joensuu 2
Kouvola 7 Kajaani 2
Järvenpää 7 Sipoo 2
Tampere 7 Marttila 1
Jämsä 7 Säkylä 1
Mikkeli 6 Kuusamo 1
Hyvinkää 6 Siilinjärvi 1
Kuopio 6 Janakkala 1
Hamina 6 Nurmes 1
Salo 5 Ilmajoki 1
Imatra 5 Riihimäki 1
Oulu 5 Raisio 1
Hämeenlinna 5 Rauma 1
Lohja 5 Pietarsaari 1
Kirkkonummi 5 Kauniainen 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 313 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  59 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 817 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in shalay 2 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona. Waxaan toddobadii maalmood ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 12 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 584 qof, kuwaasoo 2 403 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 180-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 832 602 oo qof (27.03)

 Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

42 778 088

 

127 392 107

 

 

Tirada u dhimatay feyruska

 

 

942 397

 

 

2 791 024

Xigasho: YLE, HS,WORLDOMETERS