Finland waxaa laga helay maanta 444 xaaladood oo feyruska korona ah

Arbaca 20.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 444 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 41 166 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 69 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 278 qof, gobolka Pohjois- Savo oo laga helay 35 qof, iyo gobolka Varsinais-suomi  oo laga helay 30 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 127 qof, Vantaa: 62 qof , Espoo: 53 qof, Kuopio: 26, Turku: 21 qof, Oulu: 13 qof, Kouvola: 12 qof, Tampere: 10 qof, Siilinjärvi: 6 qof, Valkeakoski: 4 qof, Hyvinkää: 4 qof, Kerava: 4 qof, Vaasa: 4 qof, Nurmijärvi: 4 qof, Uusikaupunki: 4 qof, Kotka: 4 qof, Salo: 3 qof, Vihti: 3 qof, Jyväskylä: 3 qof, Askola: 3 qof, Hämeenlinna: 3 qof, Tornio: 3 qof, Kirkkonummi: 3 qof, iyo magaalooyinka: Seinäjoki, Pori, Hankasalmi, Riihimäki, Kannus, Mäntsälä, Lahti, Savonlinna, Kangasala, Kolari, Porvoo, Kaarina, Tuusula, Sipoo, Lohja, Tyrnävä, Maalahti, Varkaus, Karkkila, iyo Heinola oo min 2 qof. Inta soo hartay magaalooyinka oo min hal qof ah.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 146 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 632 qof.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada Etelä-Savo, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Lappi iyo gobolka Pohjois-Savo (marka laga reebo magaalooyinka Kuopio iyo Siilinjärvi oo ku jira heerka karaar- qaadashada).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 31 035 992    96 727 596
       672 736       2 068 303

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 24,8 milyan  174 378     2 802  411 520
2 Hindiya 10,6 milyan    13 795        161  152 754
3 Baraaziil 8,57 milyan    63 504     1 183  211 511
4 Ruushka 3,61 milyan    21 734        586    66 623
5 Ingiriiska 3,46 milyan    33 355      1610    91 470
6 Faransiiska 2,93 milyan    23 608        441    71 342
7 Talyaaniga 2,40 milyan    10 497        603    83 157
8 Turkiga 2,39 milyan      6 818        167    24 328
9 Isbeyn 2,37 milyan    34 291        404    54 173
10 Jarmalka 2,07 milyan    12 159     1 139    49 244
11 Kolombiya 1,93 milyan    15 939        398    49 402
12 Arjantiin 1,82 milyan    12 141        234    46 066
13 Meksiko 1,65 milyan      8 074        544  141 248
14 Poland 1,44 milyan      4 859        291    33 698
15 K/afrika 1,35 milyan      9 780        839    38 288
16 Iiraan 1,34 milyan      5 917          87    56 973
17 Ukriane 1,17 milyan      3 939        177    21 046
18 Peru 1,07 milyan      4 412        113    39 044

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS