Finland waxaa laga helay maanta 435 xaaladood oo feyruska korona ah

Sabti 13.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 435 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 50 007 qof. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada dadka laga helay ku soo kordhay 2 745 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 63 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 295 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 27 qof, iyo gobolka keski-Suomi oo 23 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 172 qof, Vantaa: 58 qof , Espoo: 28 qof, Jyväskylä: 21 qof, Turku: 14 qof, Järvenpää: 13 qof, Pori: 10 qof, Vaasa: 9 qof, Tampere: 8 qof, Magaalooyinka kala ah: Tuusula, Kerava iyo Rauma waxaa laga helay min 7 qof. Magaalooyinka kala ah: Lahti, Nurmijärvi iyo Hämeenlinna waxaa laga helay min 5 qof. Sidoo kale waxaa min 3 qof laga helay magaalooyinka kala ah: Nokia, Raisio, Kangasala, Paimio iyo Oulu. Magaalooyika kala ah: Raahe, Pirkkala, Lieto, Rovaniemi, Sipoo, Lempäälä, Riihimäki, Joensuu, Karvia, Ylöjärvi, Vöyri iyo Salo waxaa laga helay mi 2 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 109 qof sida ay sheegtay hay’adda THL,  kuwaasoo 18 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 710 qof. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada dhimashada ku soo korodhay 18 qof.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 206 283 qof (13.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     35 316 370    108 790 357
           784 040         2 395 717

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,106,704  100 288    2 908  492 521
2 Hindiya 10,892,550    12 137       104  155 588
3 Baraaziil   9,765,694    49 396    1 204  237 601
4 Ruushka   4,042,837    15 089       507    79 194
5 Ingiriiska   4,013,799    15 144       758  116 287
6 Faransiiska   3,427,386    20 701       429    81 448
7 Isbeyn   3,056,035    14 581       530    64 747
8 Talyaaniga   2,697,296    13 908       316    93 045
9 Turkey   2,572,190      7 763         97    27 284
10 Jarmalka   2,330,422      9 207        523    65 036
11 Kolombiya   2,185,169      5 528        213    57 196
12 Arjantiin   2,015,496      7 151        155    50 029
13 Meksiko   1,968,566    10 677     1 474  171 234
14 Poland   1,577,035      6 378        248    40 425
15 Iiraan   1,503,753      7 298          58    58 809
16 Konfur-Afrika   1,487,681      2 781        288    47 670
17 Ukriane   1,262,867      4 773        116    24 174
18 Peru   1,220,748      8 439        210    43 255
19 Indonesia   1,201,859      9 869        275    32 656
20 Czechia   1,074,067      9 001        120    17 985
21 Netherlands   1,021,643      4 341          65    14 727

Xigasho: YLE, HS, WORLDOMETERS