Finland waxaa laga helay maanta 392 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 8 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Isniin 01.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 392 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 58 064 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 402 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 251 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 33 qof, Gobolka Satakunta oo 18 qof ah.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 126 Rovaniemi 5
Vantaa 53 Lappeenranta 7
Espoo 32 Maarianhamina 7
Turku 16 Finström 2
Järvenpää 5 Vihti 1
Kerava 6 Tornio 1
Kirkkonummi 5 Salo 1
Hyvinkää 2 Lieto 1
Porvoo 4 Kemiönsaari 1
Lohja 7 Punkalaidun 1
Mäntsälä 3 Nurmijärvi 1
Kauniainen 2 Liminka 1
Karkkila 3 Kuusamo 1
Kaarina 4 Laukaa 1
Uusikaupunki 3 Eurajoki 1
Oripää 6 Säkylä 1
Tampere 7 Hattula 1
Ylöjärvi 2 Hausjärvi 1
Oulu 7 Kouvola 1
Kempele 2 Mikkeli 1
Vaasa 9 Joensuu 1
Närpiö 6 Imatra 1
Jyväskylä 4 Jomala 1
Lahti 9 Sulkava 1
Hollola 2    
Rauma 7    
Pori 7    
Ulvila 2    
Hämeenlina 3    
Iisalmi 3    

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 239 qof, waxaana ku krodhay tiradii hore 22 qof Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  39 qof, waxaana Khamiistii kaddib ku soo kordhay 1 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 750 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 8 xaaladood oo dhimasho cusub ah.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 235 qof, kuwaasoo 1 170 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 64-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 452 469 qof (01.03).

Dowladdu waxaa ay dalka ku soo rogtay xaalad degdeg ah laga bilaabo 8.3.2021. Sida ay sheegtay Ra’iisulwasaaraha dalkan Finland Sanna Marrin, waxaa xaaladdaas aan caadiga ahayn sabab looga dhigay mid la mid ah xaaladdii lagu roogay dalka markii uu ka dillaacay cudurka safmarka ah ee korona bishii saddexaad ee sannadkii la soo dhaafay 2020.

Waxaa kaloo dowladdu baarlamaanka u gudbisay hindise ku saabsan in maqaaxiyaha la xiro, kaasoo falanqayntiisa iyo go’aan ka gaaristiisa ay qaadan doonto muddo 4 maalmood ah.

Sidoo kale waxaa miiska saaran oo dowladdy ay go’aan ka gaaraysaa, qodobka ah in dadka lagu soo rogo xayiraad ama bandow xagga socodka ah, kaasoo noqon doona laba midkood, mid la mid ah kii sannadkii hore oo ah in gobollada qaarkood jidxir lagu sameeyo oo aanay cidina ka bixi karin, cid kalena soo geli karin, ama in dhaqdhaqaaqa dadka la xadido saacado cayiman oo 24-ka saac ka mid ah, iyadoo dadka loo oggolaan doono oo kaliya in ay u soo baxaan wax ka iibsiga dukaamada cuntada ama farmasiga.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       37 551 255     114 761 695
               851 2871          2 544 503

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 29,255,365    49 433    1 285  525 778
2 Hindiya 11,112,056    15 616       108  157 195
3 Baraaziil 10,551,259    34 027       755  255 018
4 Ruushka   4,246,079    11 359       379    86 122
5 Ingiriiska   4,176,544     6 035       144  122 849
6 Faransiiska   3,755,968   19 952       122    86 454
7 Isbeyn   3,188,553             69 142
8 Talyaaniga   2,925,265    17 455       192    97 699
9 Turkey   2,701,588      8 424         66    28 569
10 Jarmalka   2,450,294      6 117          98    70 687
11 Kolombiya   2,251,690      3 555        106    59 766
12 Arjantiin   2,107,365      3 168          19    51 965
13 Meksiko   2,084,128      7 246        783  185 257
14 Poland   1,706,986    10 099        114    43 769
15 Iiraan   1,631,169      8 010          93    60 073
16 Konfur-Afrika   1,513,393      1 168          52    49 993
17 Ukriane   1,347,849      5 883          89    25 982
18 Indonesia   1,334,634      5 560        185    36 166
19 Peru   1,329,805      5 942        195    46 494
20 Czechia   1,235,494      7 812        131    20 396
21 Netherlands   1,088,690      4 669          20    15 563
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS