Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 866 qof oo hor leh.

Khamiis 19.08.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 866 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 120 186  qof.

Iskudarka guud illaa iyo 105 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka ugu badan ee dalkaan Finland laga helay feyruska waa sidatan soo socota:

tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 233
Espoo 107
Vantaa 101
Turku 37
Jyväskylä 26
Kemijärvi 22
Kerava 22
Tampere 20
Oulu 16
Lohja 11
Hämeenlinna 11
Kirkkonummi 11
Kotka 11
Lahti 10
Kajaani 8
Porvoo 8
Sotkamo 7
Kaarina 6
Riihimäki 6
Somaero 6
Raisio 6
Järvenpää 6
Salo 6
Hyvinkää 6
Kouvola 5
Mäntsälä 5
Vaasa 5
Nokia 5
Joensuu 4
Lappeenranta 4
Tuusula 4
Evijärvi 4
Rovaniemi 4
Nurmijärvi 4
Sipoo 4
Ylivieska 4
Lapinjärvi 4
Mikkeli 3
Kokkola 3
Vihti 3
Sulkava 3
Imatra 3
Heinola 3
Tervola 3

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 88 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 22 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 998 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 12 281 oo qof, kuwaasoo 7 953 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 445 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 2 786 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 7 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 13.08).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,8 milyan oo qof, taasoo u dhigmata 68,3% tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 2,2 milyan, taasoo u dhigmata 41,2 % tirada dadka Finland (13.08.).

Xigasho:YLE,HS