Finland waxaa laga helay maanta 390 xaaladood oo feyruska korona iyo 7 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Isniin 22.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 390 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 54 132 qof. Tddobadii maalmood ee ugu dambaysay waxaa tirada faafista cudurka ay noqotay 3 470 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 63 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 234 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 29 qof, gobolka Satakunta oo 21 qof laga helay iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 17 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 120 Pedersörnen K 2
Vantaa 46 Pornainen 2
Espoo 31 Rovaniemi 2
Turku 15 Laihia 2
Mikkeli 13 Maalahti 2
Lappeenranta 9 Kangasala 2
Oulu 8 Nokia 2
Pori 8 Riihimäki 2
Jyväskylä 8 Sipoo 2
Tampere 7 Raisio 2
Vaasa 7 Hyvinkää 1
Rauma 6 Liminka 1
Huittinen 6 Lieto 1
Kerava 6 Nakkila 1
Tuusula 6 Punkalaidun 1
Jomala 5 Kouvola 1
Lahti 5 Lohja 1
Porvoo 5 Ruokolahti 1
Paimio 4 Ikaalinen 1
Järvenpää 4 Kangasniemi 1
Nurmijärvi 4 Körsnäs 1
Sastamala 4 Nurmes 1
Närpiö 3 Mäntyharju 1
Kaarina 3 Pukkila 1
Kirkkonummi 3 Inkoo 1
Uusikaupunki 3 Orimattila 1
Hämeenlinna 3 Valkeakoski 1
Maarianhamina 2 Kuopio 1
Mäntsälä 2 Kurikka 1
Kotka 1  
Vieremä 1  
Pietarsaari 1  
Äänekoski 1  
Jokioinen 1  

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 170 qof sida ay sheegtay hay’adda THL,  kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah, taasoo macnaheedu yahay in toddobo maalmood gudahood ay ku darsantay 29 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 733 qof, kaddib dhimashada 7 qof oo cusub oo ay sheegtay maanta hay’adda THL, waxaana toddobo maalmood gudahood ku darsantay tirada dhimashada 17 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 556 qof, kuwaasoo 530 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 25-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 ah nooca cusub ee Baraaziil.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 282 730 qof (22.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       36 477 108     112,031,277
                829 083           2 479 364

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,765,423    57 198    1 245  511 133
2 Hindiya 11,005,071    13 980         79  156 418
3 Baraaziil 10,168,174    29 026       554  246 560
4 Ruushka   4,164,726    12 742       417    83 293
5 Ingiriiska   4,115,509      9 834       215  120 580
6 Faransiiska   3,605,181    22 046       159    84 306
7 Isbeyn   3,133,122               67 101
8 Talyaaniga   2,809,246    13 452       232    95 718
9 Turkey   2,638,422      6 546         77    28 060
10 Jarmalka   2,394,515      6 098        100    68 443
11 Kolombiya   2,226,262      4 244        149    58 834
12 Arjantiin   2,064,334      3 709          76    51 198
13 Meksiko   2, 038,276      7 785        832  179 797
114 Poland   1,638,738      7 039          94    42 171
15 Iiraan   1,574,012      7 931          74    59 483
16 Konfur-Afrika   1,503,796      1 429        113    49 053
17 Ukriane   1,304,456      4 489         58    25 103
18 Peru   1,283,309      7 410        220    45 097
19 Indonesia   1,278,653      7 300        173    34 489
20 Czechia   1,153,178      6 759        121    19 273
21 Netherlands   1,056,639      4 674          17    15 217
22 Soomaliya          6 017         128             8         202

Xigasho: YLE, HS, WORLDOMETERS