Finland waxaa laga helay maanta 346 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Axad 11.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 346 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 82 053 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 6 050 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 65 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 193 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 43 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo laga helay 43 qof.  Sidoo kale gobolka Pirkanmaa waxaa  laga helay 12 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 85 Hamina 2
Espoo 37 Loviisa 2
Lahti 32 Karkkila 2
Turku 31 Pudasjärvi 2
Vantaa 27 Jämsä 2
Hyvinkää 9 Jyväskylä 2
Tampere 7 Raahe 2
Orimattila 7 Iisalmi 2
Lappeenranta 6 Janakkala 2
Sipoo 5 Vihti 2
Nurmijärvi 5 Rauma 1
Kotka 4 Rovaniemi 1
Salo 4 Pyhtää 1
Tuusula 4 Vaasa 1
Savonlinna 4 Laihia 1
Mikkeli 4 Pori 1
Raisio 3 Valkeakoski 1
Kerava 3 Asikkala 1
Kirkkonummi 3 Oulu 1
Porvoo 3 Närpiö 1
Kuopio 3 Imatra 1
Hollola 3 Hämeenlinna 1
Lieto 3 Siilinjärvi 1
Järvenpää 3 Tornio 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 224 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  41 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 868 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 51 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 3 621 oo qof, kuwaasoo 3 261 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 359-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 124 365 oo qof (11.04)

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 46 004 119  136 136 860
Tirada u dhimatay feyruska 994 212  2 941 349

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS