Finland waxaa laga helay maanta 614 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 2 dhimasho cusub ah

Khamiis 18.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 614 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 52 209 qof. Waxaa toddobo maalmood gudahood ku darsantay 3 044 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 79 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 410 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 57 qof, gobolka Satakunta oo 27 qof laga helay iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 22 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 205 Hämeenlinna 3
Vantaa 87 Maalahti 3
Espoo 56 Laitila 3
Turku 28 Sipoo 2
Pori 19 Akaa 2
Järvenpää 14 Lieto 2
Vaasa 12 Siuntio 2
Mikkeli 11 Lempäälä 2
Raisio 8 Paimio 2
Kerava 8 Tammela 2
Nurmijärvi 8 Pirkkala 2
Valkeakoski 7 Riihimäki 2
Rauma 7 Kiuruvesi 2
Lohja 7 Savonlinna 2
Oulu 6 Kurikka 2
Hyvinkää 6 Naantali 2
Kaarina 6 Kouvola 2
Lahti 5 Iitti 1
Joensuu 5 Korsnäs 1
Kirkkonummi 4 Kemijärvi 1
Tampere 4 Kokkola 1
Mäntsälä 4 Kolari 1
Sotkamo 3 Mynämäki 1
Jyväskylä 3 Mustasaari 1
Tuusula 3 Rovaniemi 1
Lappeenranta 3 Pieksämäki 1
Laukkaa 3 Hamina 1
Nokia 3 Aura 1
Porvoo 3 Uusikaupunki 1
Kannus 3 Loppi 1
Taivalkoski 1 Siilinjärvi 1
Rantasalmi 1 Pöytyä 1
Raahe 1 Kauniainen 1
Virrat 1 Liminka 1
Kangasala 1 Huittinen 1
Kajaani 1 Iisalmi 1
Sauvo 1 Närpiö 1
Salo 1 Rusko 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 137 qof sida ay sheegtay hay’adda THL,  kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah, taasoo macnaheedu yahay in toddobo maalmood gudahood ay ku darsantay 11 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 725 qof, kaib markii ay hay’adda THL sheegtay dhimashada 2 qof oo hor leh maanta, waxaana toddobo maalmood gudahood ku darsantay tirada dhimashada 17 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 450 qof, kuwaasoo 427 ka id ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 22-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 ah nooca cusub ee Baraaziil.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 243 973 qof (18.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       35 965 000     110 537 847
               817 118         2 443 145

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,453,526    71 640    2 537  502 544
2 Hindiya 10,949,546    12 440         89  156 038
3 Baraaziil   9,979,276    57 295    1 195  242 178
4 Ruushka   4,112.151    13 828       467    81 446
5 Ingiriiska   4,071,185    12 718       738  118 933
6 Faransiiska   3,514,147    25 018       310    83 122
7 Isbeyn   3,107,172    10 829       337    66 316
8 Talyaaniga   2,751,657    12 074       369    94 540
9 Turkey   2,609,359      7 325         86    27 738
10 Jarmalka   2,362,384      9 618        538    67 074
11 Kolombiya   2,207,701      5 103        185    58 134
12 Arjantiin   2,039,124      6 064        184    50 616
13 Meksiko   2, 004,575      8 683     1 329  175 986
14 Poland   1,605,373      8 695        280    41 309
15 Iiraan   1,542,076      8 042          67    59 184
16 Konfur-Afrika   1,496,439      2 320        165    48 478
17 Ukriane   1,280,904      4 286        147    24 689
18 Peru   1,252,137      7 408        252    44 308
19 Indonesia   1,243,646      9 687        192    33 788
20 Czechia   1,112,439    12 591        137    18 682
21 Netherlands   1,038,156      3 361          88    15 017

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS