Finland waxaa laga helay maanta 331 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 14 dhimasho ah

Talaada 06.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 331 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 80 068 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 355 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 55 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 202 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 29 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 25 qof.  Sidoo kale gobolka Päijät-Häme waxaa  laga helay 23 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 115 Naantali 2
Vantaa 32 Valkeakoski 2
Espoo 24 Laukaa 2
Lahti 23 Lappeenranta 2
Turku 17 Kouvola 2
Tampere 12 Raasepori 2
Savonlinna 9 Nurmijärvi 2
Porvoo 7 Oulu 2
Hamina 7 Masku 2
Kotka 6 Järvenpää 2
Rauma 4 Lohja 2
Salo 4 Mäntsälä 2
Kuopio 4 Närpiö 1
Sipoo 3 Jyväskylä 1
Pirkkala 3 Uusikaupunki 1
Jämsä 3 Akaa 1
Kerava 3 Kirkkonummi 1
Hyvinkää 3 Laiha 1
Tuusula 2 Siikajoki 1
Joensuu 2 Nokia 1
Kemiönsaari 2 Kokkola 1
Vihti 2 Ylöjärvi 1
Jokioinen 2 Kangasala 1
Eura 2 Saarijärvi 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 249 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  45 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 846 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 41 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 700 oo qof, kuwaasoo 2 474 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 225-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 975 697 oo qof (06.04)

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

44 824 784

 

132 573 627

 

 

Tirada u dhimatay feyruska

 

 

972 999

 

 

2 867 776

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS