Finland waxaa laga helay maanta 300 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Khamiis 08.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 300 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 97 349 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 52 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 164 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 27 qof, gobolka Päijät-Hame oo laga helay 26 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo  laga helay 18 qof.

 

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 83
Espoo 37
Vantaa 21
Turku 13
Tampere 11
Kouvola 10
Jyväskylä 9
Nurmijärvi 6
Joensuu 6
Kuopio 5
Lempäälä 5
Oulu 4
Lappeenranta 4
Kajaani 4
Ilmajoki 3
Lieto 3
Porvoo 3
Rovaniemi 3
Kemiönsaari 3
Iisalmi 3
Asikkala 3
Kerava 3
Suonenjoki 2
Sipoo 2
Raisio 2
Parainen 2
Kirkkonummi 2
Lohja 2
Suomussalmi 2
Orimattila 2

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 44 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 7 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 976 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 9 579 oo qof, kuwaasoo 7 715 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 424 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 435 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 5 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 07.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3 412 775 oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1 218 818 oo qof (08.07.).

Xigasho:YLE,HS