Finland waxaa laga helay maanta 289 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaca 19.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 289 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 90 687 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 889 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay181 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 25 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo  laga helay 15qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 80
Vantaa 38
Espoo 34
Kokkola 12
Lahti 11
Tampere 9
Turku 8
Vihti 7
Kotka 5
Kouvola 6
Salo 5
Pietarsaari 3
Salo 3
Raisio 5
Kannus 5
Hämeenlinna 5
Kerava 4
Hollola 4
Jyväskylä 4
Järvenpää 3
Eura 3
Tuusula 3
Hyrynsalmi 3
Nurmijärvi 3
Mikkeli 2
Hyvinkää 2
Oulu 2
Sipoo 2

 Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 148 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  26 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 929 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 17 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 875 oo qof, kuwaasoo 5 639 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 194 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 40,  iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 19.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 161 597 oo qof (19.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 164 995 012 52 239 909
Tirada u dhimatay feyruska 3 421 347 1 112 721

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 749 662 47 536 144
Tirada u dhimatay feyruska  127 237 620 220

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 25,495,144   267 174   4 525  283 276
Baraaziil 15,735,485     74 379    2 517  439 379
Faransiiska 5, 898,347     17 210       198  108 040
Arjantiin 3,371,508     35 543       744    71 771
Kolombiya 3,144,547     13 137       482    82 291
Iiraan 2,779,415     13 930       310    77 532

 

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,051,762    4 631      14 311
63 Denmark 268,255    916         2 503
88 Norwey 119,814               774
159 Iceland  6 549    1              29
42 Saudi-Arabia  435,026    1046     14     7 188
133 Soomaaliya  14 575    89     9       762

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS