Finland waxaa laga helay maanta 265 xaaladood oo feyruska korona ah iyo xal xaalad oo dhimasho ah

Arbaca 03.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 265 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 46 049 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 51 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 167 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 44 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 9 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 64 qof, Vantaa: 46 qof , Espoo: 25 qof, Turku: 20 qof, Järvenpää: 8 qof, Tuusula: 7 qof, Oulu: 7 qof,  Kerava, Kuopio iyo Paimio: min 6 qof laga helay, Jyväskylä: 5 qof, Uusikaupunki: 4 qof, Magaalooyinka Kaarina, Savonlinna, Kemi, Joensuu, Kotka, iyo Tampere oo min 3 qof ah. Magaalooyinka kala ah Naantali, Nurmijärvi, Parainen, Kankaanpää, Lieto, Rauma, Vihti, Tornio iyo Raasepori aoo laga helay min 2 qof, inta soo hartay ee magaalooyinkana waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 129 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 23 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 685 qof, kaddib markii maanta uu dhintay hal qof oo hor leh, shalayna dhimashadu ay ahayad 7 qof, sida ay sheegtay hay’adda THL.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 145 770 qof (2.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     33 759 554    104 480 575
         750 397       2 264 877

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 27,027,430  114 785   3 644  457 868
2 Hindiya 10,778,206    11 000       113  154 635
3 Baraaziil 9, 286,256    56 240    1 240  226 383
4 Ruushka 3,884,730    16 643        539   74 158
5 Ingiriiska 3,852,623    16 840     1 449  108 013
6 Faransiiska 3,224,798    23 337        485    77 238
7 Isbeyn 2,881,793    29 064        724    59 805
8 Talyaaniga 2,570,608      9 660        499    89 344
9 Turkey 2,492,977      7 795        120    26 237
10 Jarmalka 2,239,943      7 627        990    59 386
11 Kolombiya 2,114,597    10 091        304    54 576
12 Arjantiin 1,943,548      9 695        177    48 426
13 Meksiko 1,869,708      5 448        564  159 100
14 Poland 1,520,214      4 325        253    37 476
15 K/afrika 1,458,958      2 649        547    44 946
16 Iiraan 1,431,416      6 820          72    58 110
17 Ukriane 1,223,879      2 394        156    22 924
18 Peru 1,149,764       7 048        173    41 354
19 Indonesia 1,099,687     10 379        304    30 581

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS