Finland waxaa laga helay maanta 259 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Khamiis 20.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 289 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 90 946 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 868 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 52 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay125 qof,  gobolka Päijät-Häme iyo Kanta-Häme oo laga helay midkiiiba 24 qof, iyo gobolkaPirkanmaa oo  laga helay 20 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 57
Vantaa 34
Lahti 20
Espoo 15
Tampere 13
Hämeenlinna 11
Janakkala 7
Turku 7
Kannus 7
Jyväskylä 5
Kotka 5
Mikkeli 5
Kokkola 5
Lempäälä 4
Järvenpää 4
Kuopio 4
Imatra 3
Kirkkonummi 3
Kuusamo 3
Oulu 3
Nurmijärvi 2
Akaa 2
Salo 2
Siuntio 2
Eura 2
Hollola 2
Kitee 2
Heinola 2
Rauma 2
Vihti 2

 Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 135 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 929 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 15 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 875 oo qof, kuwaasoo 5 639 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 194 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 40,  iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 201 667 oo qof (20.05).

Xigasho:YLE, HS