Finland waxaa laga helay maanta 252 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 17 xaaladood oo dhimasho ah

Isniin 21.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 252 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 33 414 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 42 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 167 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 21 qof laga helay, Vaasa oo 12 qof, yo Pirkanmaa oo 10 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota:  Helsinki: 81 qof, Vantaa: 38 qof, Espoo: 23 qof, Turku: 15 qof , Jyväskylä 9 qof, Kerava 7 qof, Hämeenlinna 6 qof, Mustasaari 5 qof, Lahti 5 qof, Nurmijärvi 4 qof, Tampere 4 qof, Vaasa 4 qof, Järvenpää 3 qof, Kaarina 3 qof, Sipoo 3 qof, Oulu 2 qof, Orivesi 2 qof, Valkeakoski 2 qof, Mynämäki 2 qof, Hyvinkää 2 qof, Gobolka Kymenlaakso 3 qof, Länsi-Pohja  3 qof, Etelä-Karjala 5 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 281 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 33 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Jimcihii kaddib waxaa qaybta daryeelka ku soo kordhay 18 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ahna 3 bukaan. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 506 qof., kaddib markii wiikendhiga ay dhinteen 17 qof oo hor lah.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

23 973 461   77 274 532
 

Tirada u dhimatay feyruska

    518 019      1  701 829

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 18,2   milyan  183 223    1 414 324 869
  2 Hindiya 10      milyan    24 589       330 145 843
  3 Baraaziil 7,23   milyan    24 445       417 186 773
  4 Ruushka 2,84   milyan    28 948       511   50 858
  5 Faransiiska 2,47   milyan    12 799       131   60 549
  6 Ingiriiska 2,04   milyan    35 928       326   67 401
  7 Turkiga 2,02   milyan    20 306       246   18 097
  8 Talyaaniga 1,95   milyan    15 104       352    68 799
  9 Spain 1,81   milyan    48 926
10 Arjantiin 1,54   milyan      4 116         50    41 813
11 Jarmalka 1,51   milyan     20 822       350    26 764
12 Kolombiya 1,50   milyan     11 160       207    40 475
13 Meksiko 1,31   milyan     12 129       627  117 876
14 Poland 1,20   milyan      8 594       143    25 397
15 Iiraan 1,15   milyan       6 312       177    53 625

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS