Finland waxaa laga helay maanta 244 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 6 dhimasho ah

Isniin 01.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 244 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 45 482 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 43 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 159 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 30 qof, iyo Vaasa oo laga helay 10 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 56 qof, Vantaa: 42 qof , Espoo: 32 qof, Turku: 21 qof, Vaasa: 8 qof, Järvenpää: 6 qof, Tampere 5 qof, Oulu: 5 qof, Kerava: 5 qof, Magaalooyinka kala ah: Kuopio, Kaarina, Savonlinna, Rauma iyo Porvoo oo laga helay min 4 qof, magaalooyinka kala ah: Tornio iyo Tuusula oo min 3 qof laga helay, iyo magaalooyinka kala ah: Jyväskylä, Vieremä, Hyvinkää, Kauniainen, Nurmijärvi, Kotka, Lahti, Sipoo iyo Loimaa oo min 2 qof laga helay. Inta soo hartay ee magaalooyinka kale ahna waa min 1 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 135 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 17 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 677 qof, kaddib markii ay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga sheegtay maanta in 6 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 144 520 qof (30.1).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     33 413 118    103 594 715
         738 850       2 239 275

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 26,767,229 107 816    1 886  452 279
2 Hindiya 10,758,619   11, 528       116  154 428
3 Baraaziil 9, 204,731    27 756        563  224 534
4 Ruushka 3,850, 439    18 359        485   73 182
5 Ingiriiska 3,817, 176    21 088        587  106 158
6 Faransiiska 3,197, 114    19 235        195    76 057
7 Isbeyn 2,830, 478                58 319
8 Talyaaniga 2,553, 032    11 252        237    88 516
9 Turkey 2,477, 463      6 562        128    25 993
10 Jarmalka 2,225, 659      8 425        265    57 777
11 Kolombiya 2,094, 884      8 078        333    53 983
12 Arjantiin 1,927, 239      4 975          43    47 974
13 Meksiko 1,857, 230    15 377     1 495  158 074
14 Poland 1,513, 382      4 703          98    37 180
15 K/afrika 1,453, 761      4 525        213    44 164
16 Iiraan 1,417, 999      6 268          70    57 959
17 Ukriane 1,219, 455      3 177          79    22 707
18 Peru 1,138,239       5 217        169    41 026
19 Indonesia 1,078, 314     12 001        169    29 998

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS